Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo dil ku xukuntay 43 xubnood oo katirsanaa Al- Shabaab dagaalka lagu soo qabtay

18 June 2016 (Puntlandes)  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa ku xukun dil ah ah ku xukuntay 43 xubnood oo katirsanaa maxaabiistii Al- Shabaab ee lagu soo qabtay weerarkii ay kusoo qaadeen Xeebaha Mudug iyo Nugaal.

226-1

Maxaabiistaan ay Maxkamadda Ciidamadu xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa  ragii waaweynaa ee lagu soo qabqabtay dagaalkii ay ciidamada Dawlada Puntland laga galeen xarakadda Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku ridey xukunka maalintii Khamiista ee 16ka june 2016, iyadoo la filayo in dhawaan lagu fuliyo xukunkan.

Puntlandes.com

About The Author