Maamulka kooxda kubadda Cagta Comsed ee Puntland oo u mahadceliyay Nuuradiin Aadan Diiriye

19 June 2016 (Puntlandes) Qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Kooxda Kubadda Cagta Comsed oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo Puntland ayaa looga mahadceliyay Nuuradiin Aadan Diiriye iyo madaxa dhallinyarada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Kooxda Comsed ee heerka koobad, Cabdiqani Khaliif Carabay ayaa mas’uuliyiintan ku ammaanay sida ay ugu sahleen safar ay dhawaan kooxdu ku tagtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

“Waxaan halkan ugu mahadcelineyna mudane,Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka tirsan madaxda xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa dhallinyarada xafiiska Qaramada Midoobay Mr Noboru Fernandes De Abreu”.

“Nuuradiin Aadan ,waxuu noo sahlay in kooxda kubadda cagta Comsed ay u safarto magaalada Kismaayo oo an ciyaaro ku soo qaadaney,waxay ahayd safar taarikhi ah,waxaan halka ku tagnay diyaarad ay Qaramada Midoobay leedahay,iyada ayaana dib noogu soo celisay magaalada Gaalkacyo,taasna waxay ku timid codsi uu naga ajiibay mudane Nuuradiin Aadan Diiriye,”ayuu yiri guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Comsed.

Guddoomiye Carabay,waxuu sheegay ka hor inta aysan codsiga u gudbin Nuuradiin Aadan Diiriye inay la hadleen jaaliyadaha Puntland iyo wasaaradda ciyaaraha, xirirka kubada cagta Somalia kuwaaso wax jawaab ah ka siin codsigooda sida uu sheegay.

“Dhallinyaradu markan casuumada ka helnay xiriirka ciyaaraha Jubbaland aad ayay ugu farxeen oo waxay doonayeen inay ciyaaro ku soo qaatan magaalada Kismaayo, laakin codsiyo aan u gudbiney jaaliyadda iyo wasaaradda sports Puntland  iyo xirirka kubada cagta Somalia  markii laga soo jawaabi waayay waxay dareemeen niyad jab, Laakiin waxaa si wanagsan iyo xushmad ku dhisan-tahay codsigeen u aqbalay mudane Nuuradiin Aadan Diiriye oo inoo sheegay inaan heli doono diyaar noo gaar ah oo ay Qaramada Midoobay leedahay,taasi waxay dhalisay dhallinyaradu inay ku farxaan. Dhamman kooxda iyo ciyaarteyda wada-jir waxay ugu mahadcelinayaan Nuuradiin iyo xafiiska Qaramada Midoobay,”ayuu ku darey hadalkiisa.

Waxuu guddoomiyaha inta raaciyay in tiro yar oo ka mid jaaliyadaha ay ka soo jawaabeen codsiga,waxaana qoraalka kooxda ka soo baxay lugu magacaabay, jaaliyadaha magaalada Melbourne ee dalka Australia,Waxaana xubnaha ka mid ahaa jaaliyadda Safiyo Horeeye, Samsam Hange, jaaliyada Canada ayaa xubno ka mid ah iyaguna codsiga ka soo jawaabeen, waxaana ka mid ahaa mudan Cabdirashiid Baki, Baarlin Muxuyadin iyo Luul, Tahliil. Waxaase la sheegay inaysan ku filnaan jawaabta ay xubnaha jaaliyadda oo qoraalka lugu ammaanay laga helay.

Ugu dambeyntii,guddoomiyaha kooxda Kubadda Cagta Comsed,waxuu sheegay in la qabandoono munaasabad ballaaran oo shahaado sharaf lugu guddoonsiinayo Nuuradiin Aadan Diiriye, madaxa dhallinyarada xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM,Mr Noboru Fernandes De Abreu iyo warbaahinta Puntlandi.com, kuwaaso lugu sharfayo doorkii ay ka qaaten safarka ay kooxda ku tagtay Kismaayo.




Puntlandes.com

 

About The Author