Ciidamada Itoobiya oo jaray Khadka Telefonada ee Baydhabo lana wareegay ammaanka magaalada
20 June 2016 (Puntlandes) Ciidamada dalka Itoobiya ayaa gebi ahaanba jaray Khadkii telefonada ee magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay Xaqiiqinayaan Amniga magaalada Baydhabo.
Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Khadka telefonada ee magaalada Baydhabo ayey Ciidamada dalka Itoobiya jareen saaka ilaa iminkana wuxuu ka maqan yahay hawada.
Dhanka kale waxaa sidii caadiga ahayd ka shaqaynaya magaalada Khadka Internetka.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furmaya Shirka Madaxda hogaamiyayaasha Qaranka arbacada oo ay bishu tahay 22ka, waxaana ammaanaka magaalada la wareegay Ciidamada dalka Itoobiya.
Goobta uu shirka ka dhacayo iyo meelaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa lugu arkayaa ilaa saaka Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, iyagoo xaqiijinaya Amniga Shirka.
Sidoo kale Waddooyinka magaalada ayaa waxay Ciidamada dalka Itoobiya ka wadaan baaritaano xoog leh oo ay ku baarayaan Baabuurta iyo dadkaba.
Waa markii ugu horreysay uu Shir ka dhaco magaalada Baydhabo iyadoo xarun KMG ah u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.