Dhagayso: DDSI oo lagu eedeeyey inay xireen Shan wariye oo Reer Somaliland ah & inay Hawada ka saareen Horn Cable TV
20 June 2016 (Puntlandes) Ciidamada ammaanka ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya DDSI ayaa lagu eedeeyey inay magaalada Wajaale ka kaxaysteen shan weriye oo u shaqaynayey hay’adaha warbaahinta ee kala duwan ee Somaliland kadib markii loogu yeedhay shir jaraa’id.
Saxafiyiintan ayaa la geeyey magaalada Jigjiga, iyaga oo markii dambe soo daayey afar ka mida halka lala haray weriye u shaqaynayey Horn Cable TV.
Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA MAxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo u waramay VOA ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Itoobiya ay Hawada ka saartay telefiishanka HCTV.
Dhagayso Warbixin ay VOA ka diyaarisay
Puntlandes.com