Xaliimo Yareey oo sheegtay in Guddigeeda loo magacaabay Doorashada 2020ka!!
21 June (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddigii ay DFS si iskeed ah u magacaabatay iyadoon kala Tashan Dawlad Goboleedyada ka jira Xaliimo Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Guddi kale ee Doorasho oo u dhawaan magacaabay madaxweyne Xasan.
Xaliimo Yareey waxaa ay sheegtay guddiga in guddiga cusub ay shaqadooda tahay in ay diyaariyaan doorashooyinka 2016-ka ee dadban, kuna salaysan beelaha, halka guddigeeda ay tahay shaqadiisu in uu diyaariyo doorashada codka la dhiibanayo ee 2020-ka la qorsheynayo.
Xaliimo Yareey ayaa tiri “Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo an guddoomiyaha u ahay,shaqadiisa waxay tahay diyaarinta doorashada dhacaysa 2020-ka ee lugu ballansan-yahay shacabka inay codkooda dhiibtan, Lakin guddiga cusub kaliya waxuu diyaarin doorashooyinka 2016-ka ee dadban, kuna salaysan beelaha”
Guddiga Xaliimo Yareey waxaa horay uga biya diidey Jubbaland iyo Puntland, iyagoo sheegay inaysan dastuuri ahayn in DFS si iskeed ah isaga magacaabato guddiga, waana taas sababta keentay in Guddi cusub la magaaco.
Puntlandes.com