Gudoomiyihii hore ee G. Bari oo Carmo soo gaaray

21 June (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Ciidamo uu wato ayaa saakay soo gaaray Degmada Carmo ee Gobalka Bari, taasoo ku taala wadada dheer ee xiriirisa Puntland aadana xarunta Ganacsiga ee Puntland Bosaso.

226-2c5

Gallan oo xiliyadii u dambaysay dibad wareeg ahaa kuna dhuumanayey Bari fog ee Puntland, markii uu khilaafay Dawlada Puntland.

Gallan ayaa magaalada Carmo u yimi dhexdhexaadin nabadeed oo ay waayadii dambaysay ay wadeen Wasiiro, Odoyaal iyo waxgaradka kasoo jeeda Beeshiisa.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in iminka ay Gallan la joogaan Wasiiro, Odoyaal iyo waxgaradka kasoo jeeda Beeshiisa, iyagoo ka shaqaynaya nabadda iyo ehelnimada ay Puntland kusoo caano maashay 18kii sano ee ay jirtay.

Aruínta Gallan ayaa la filayaa inay ku soo dhamaan doonto dhawaan Nabad iyo wanaag.

Waraka kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author