Puntland iyo Isbedelkii Gaas hogaaminayey ka dib

0

Qofkasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in uu jeclaado dalkiisa iyo dadkiisa. Kana shaqeeyo wanaagooda- Haddii madaxda markaa joogtaahina ay ka leexdaan wadadii loo igmaday ama ogolaanshaha loo siiyey. Waa in laga shaqeeyaa ku weecinta wadada saxda ah. Haddii la atoosin waayena waa in lala xisaabtamaa ileen kursiga ma ahan hanti ay leeyihiin oo siday rabaan u maamulan karaane.

Marka hore waxaa yoolka koowaad yahay meel ka fiican meeshay maanta joogto Puntland inuu u hogaamiyo hogaanka waqtigaas. Si lagu ogaado inay tilaabo fiican qaaday Puntland waa in aanu ognahay meesha ay shalay joogtey.

Qoraalkaygan waxaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan waxa isbedelay Puntland iyo meesha ay wax marayaa isbedelkii Gaas hogaaminayey  kadib ee raynraynta iyo sacabka lagu soo dhaweeyey.

Hadaba isbedelkii ma horumar ayuu keenay mise dib u dhac iyadoo uu hogaanka Gaas shaqaynayo lix bilood? Xagee Puntland maanta uu ku wadaa hogaanka Gaas? Maxaa inala gudboon khaasatan baarlamaanka oo ah hayada xaqa u leh la xisaabtanka?

Isbedelkii waxuu keenay dib u dhac aad iyo aad u baaxadwayn kasoo ku habsaday dhamaan hayàdahii dowliga ahaa.

Bal eeg ciidamadii geesiyaasha ahaa oo Puntland ay ku jiiftay, oo aan wax daryeel ah iyo mushahaar ah helin mudo afar bilood ah. Waxaa daba socda taas oo aan wax mushahaar ah helin shaqaalihii dowlada.

Bal eeg safarada dalxiiska iyo tamashlaynta ah iyo lacagta aadka ufaraha badan oo ku baxday iyadoo ciidamadii mushahaar iyo daryeel la,yihiin.

Bal eeg isbitaaladii waawaynaa ee ku yaalay Garowe iyo Gaalkacyo. Waxay qarka u saaran yihiin in ay xirmaan sababtuna waxay tahay dowladii isbedelka ku timid oo ka jaratay dhaqaalihii loo qoondeeyey.

Bal eeg xabigii cusbaa ee Garowe. Waxuu isna qarka u saaran yahay in uu xirmo maadaama dowladii isbedelka ku timid aysan dhaqaale siinin.

Bal eeg muuqaalkii argagaxa lehaa sidii qof hadda soo baraarugay oo uu kusoo idlaaday Kormeerka uu Gaas  ku tagay xarumo dhowra oo kuwa wasaaradaha ah. Marka dhinacyo kala duwan laga fiiriyo shaqada Dowlada khuburo badan waxay tilmaamayaan hadii uu shaqeeyo xafiiska Madaxweyne Gaas inaysan khal khal iyo argagax madaxweynaha ku abuuri kareyn qufulka iyo shaqo la,aanta ka jirta xafiisyada wasaaradaha. Sabatuna waxaa weeye shaqada dowladu waa sil silad isku xiran oo laga hogaaminayo ama laga hagayo xarunta madaxtooyada, waxayna cadeysay kormeerka uu Mudane Gaas kusoo bandhigay inaan laga shaqo tagin xafiisyada wasaaradaha bedelkeeda inaan wax shaqo ah laga qaban xarunta Madaxtooyada oo uu ku yaalo xafiiskiisu Mudane Gaas. sawirka uu bixiyey dareenkiisa ku aadan kormeerka xarumaha wasaaradaha ee uu ka dul dhacay xilli aysan soo shaqo tagin wasiiradii , iyo qeybihii shaqaalaha ma ahayn mid farxad galiyey bulshada, waxaana uu ka markhaati kacay inuu yahay shaqsi ka seexday masuuliyadii loo doortey, waayo muddo lix bilood ka dib ayuu Madaxweynuhu sidii qof salalay oo kale hab hab kusoo yiri goobo waayo horre la qafilay. Fashilka ka dhashay kormeerkii Mudane Gaas ee xarumaha wasaaradaha wuxuu sidoo kale fashil ku yahay warsaxaafadeedkii laga soo saarey shirkii ugu danbeeyey ee golaha xukuumada Puntland oo ahaa sida laga arkey qodobadii ku jirey mid amaan ay iskala dul dhaceen shantii bilood ee Xukuumadiisu shaqeynaysay.

Bal eeg Dulkii iyo xuduudihii Puntland, in uu isbedelku dul maqnaa soo celiyo iska daaaye intii hore gacanta Puntland ku jirtay ayaa qaar ka mid ah  laga faramaroojiyey. Iskaba daa inay difaacaane hadalkoodii wuxuu ku soo ururay ”waan argagaxnay”. Hortoodaa magaaladii taariikhiga ahayd ee Taleex ayaa inta la qabsaday gobol ka mid ah Somaliland uu Siilaanyo u magacaabay!! Cajiib ma saanuu ahaa inbedelkii ka dhacay Puntland.

Bal eeg xiriika Puntland iyo Xamar, isbedekii waxuu Puntland oo maqaab aad u sareeya lahayd ka digay gobol laga maamulo Xamar. Xamar waxa yaala waynu ognahaye, jilicsanaantii iyo iskudhiibitaankii Xamar waxay keentay in laga fanishay ama laga daboolay albaab walba oo Puntland u furnaa. Waxaana ugu dambeeyey waxabarasha oo loo diiday in ayday Puntland ay waxbarasho banaanka u aadaan sida Suudaan, Yurkiga iwm kadib markii shahaadadii waa foojari la yiri. Gaas waxba kama oran karo arimaahaas dhaawacaya danaha dadka iyo dalka Puntland. Oo Mee ” Oo Mee ‘ Oo Mee isbedelkii?

Bal eeg doorkii Puntland ay ku lahayd Soomaaliya, Waxaan ku amaanayaa doorka uu qaatay maalulka KMG ee Juba kadib markii Puntland uu isbedelku ku keenay in ay u ekaato gobol Xamar laga xukumo. Aad buu ugu amaanan yahay maalulka KMG ee Juba u istaagida ama buuxinta booskii Hooyadii dalka Puntland oo habacsanaan uu u keenay isbedelku kadib markii uu maalulka u istagay difaacida federaalka iyo dastuurka dalka.

Intaa oo dhacdo oon soo magacawnay waxay ka marag kacayaan in Puntland uu ku yimid dib u dhac wayn oo ka soo kabashadeedu waqti badan qaadan doonto.

Puntland Gaas wuxuu ku wadaa, oo ay hada u egtahay, golob Xamar laga xukumo. Lakiin su,aasha iswaydiinta badani waxay tahay yuu ogolaansho uga haystaa Xamar. Ugu dambaytiina in ay noto meel laga guuro oo midhaa waxuu rabaa in aynu Xamar ku noqono???

Baarlamanka Puntland waa hayad leh awooda la xisaabtanka xukuumada. Waxaa laga doonayaa in sida uu sharcigu qabo badbaadiyaan Puntland lana xisaabtamaan Gaas. Puntland maantay badbaado ayey u baahan tahay ee uma baahno maaweelo. Puntland dhib badan baa loo soo maray…

Mahadsanidin
Puntlandes

info@puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *