Isu duwaha Gobolka Mudug ee wasaarada Qorsheynta oo Galkacayo lagu diley
21 June 2016 (Puntlandes) Magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa caawa fiidkii waxa ay dabley hubeysan toogasho ku dileen Isu Duwihii Gobolka Mudug ee Wasaarada Qorsheynta Iyo xiriirta Caalamiga ah Puntland Cabdulahi Maxamad Farax.
AHN Cabdulahi Maxamad Farax ayaa waxaa lagu diley Xaafada Garsoor ee magaalda Galkacayo fiidnimadii Caawa oo ay taariikhdu tahay 21ka June.
Xiliyadii u dambeeyey waxaa ka jiray magaalada Gaalkacyo ugaarsi lagu hayo Mas’uuliyiinta dawlada Puntland iyo dadka wax ku oolka u ah Bulshada Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiintii iyo dadka halbowlaha u ah Gobolka ee lagu dilay ahaa magaalada Galkacayo dhawaan waxaa ka mid Agaasimihii Maaliyadda Gobolka AUN Gaadayare, Gudoomiyahii Ururka Haweenka AUN Dhudi Aadan iyo AUN Cumar Dheere.
Puntlandes.com