BREAKING NEWS: Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo socdaal qarsoodi ah ku tegay maanta Israel
21 June 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ka ogaatay xafiiska madaxweynaha Jamhuurityada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh inuu safar QARSOODI ah ku tagay dalka Israel/YUHUUDA.
Warar Warbaahinta Puntlandes ka heshay dad ku dhow Xafiiska madaxweynaha ayaa wuxuu sheegayaa inuu madaxweyne Xasan Saaka safar qarsoodi ah ku tagay dalka Israel, Caawana wuxuu madaxweyne Xasan ku soo noqonayaa dalka Djibouti oo uu berri subax ka imaanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu noqday madaxweynihii Soomaaliyeed ee u horeeyey oo Booqasho ku tago dalka Yuhuuda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay dalka Yuuhuuda sidii uu taageero uga heli lahaa sidii uu dib ugu hanan lahaa Kursiga madaxtinimada dalka Muslimka ah ee Soomaaliya, isagoo doonaya inay Yuhuudu kala hadasho Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub.
Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero inuu madaxweynye ka noqdo Soomaaliya uu u doonto dalka Israel, isagoo ay ahayd inuu taageero ka raadsado dadkiisa ileen iyaguu madax u noqonayaayey.
Puntlandes.com