Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaarey magaalada Baydhabo
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo ka kooban labada gole ee dawladda Puntland iyo Madaxtooyada ayaa maanta 22-Jun-2016 gaadhey magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Koonfur-galbeed.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo si aad u heer sarraysa ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed, labada gole ee maamulka Koonfur-galbeed iyo Boqollaal dadweyne ah kuwaas oo muddo dhowr saacadood ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugayey Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.
Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wafdigiisa intaasi ka dib waxaa loosoo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed halkaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha dawladda Puntland ee Baydhabo ayaa salka ku hayey ka qayb galka shirka Madasha wadatashiga oo galabta ka furmi doona magaalada Baydhabo isla markaana looga arrinsan doono halka looga dhaqaaqi doono meeshaan maanta la joogo.
Sidoo kale shirka ayaa lagu lafa guri doono dardar gelinta hawlaha horyaalla guddiyada doorashooyinka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah kuwaas oo dhabbaha u xaadhaya soo xulista xildhibaano cusub oo ku yimaadda metelaad shacbi oo dhab ah.
Shirka aya socon doona muddo saddex berri ah waxaana la qorshaynayaa in laysla meeldhigo dhammaan qodobada qabyada ah ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September ee foodda inagu soo haya.