Wasiir Burci Xamza oo ka mid noqday dadkii ku geeryooday Hotel Naasa-Hablood
Waxaa la xaqiijiyay inuu inuu ka mid yahay dadkii lagu dilay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 1 Wasiiru dowlihii Xafiiska Raysul Wasaaraha DFS ee dhinaca Bey’adda Xildhibaan Burci Maxamed Xamza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa goor dhow ku soo qoray bartiisa Twitter-ka inuu geeriyooday Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Burci Maxamed Xabza.
Maydka Burci ayaa saaka laga helay bur burka hoostiisa, kadib markii qolkii uu ku jiray uu ku soo dumay.
Ugu yaraan 15 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarka Hotelka, isagoo gaystay weerarkaas qasaaro wayn oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa hore ee lagu jebiyay albaabka hotelka ayaa waxaa uu geystay bur bur aad u baaxad leh, sida dhismaha Hotelka, goobo ganacsi ku dhowaa iyo Kaalin shidaal oo ku dhoweyd Hotelka.
Burci ayaa noqonaya Xildhibaankii 3aad ee bishan gudaheed lagu dilo Muqdisho, iyadoo 1-dii bishan weerar isugu jiray qarax iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotelka Ambassador lagu dilay Xildhibaanada kala ah Maxamed Maxamuud Guure iyo Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kaba-weyne, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.