Sawirro: Xuska Koowda Luulyo ee Muqdisho

1 July 2016 (puntlandes) Magaalada Muqdisho ayaa xalay si qurux badan looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay Markii Goballada Koofur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israaciil Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, ayaa waxaa ka qeybgalay, Boqollaal Dadweyne ah, ururada Bulshada, maamullada Degmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan .

IMG_3117IMG_3141IMG_3146IMG_3150IMG_3151IMG_3155IMG_3158IMG_3162IMG_3163IMG_3170IMG_3187IMG_3192IMG_3199IMG_3202IMG_3203IMG_3204IMG_3222IMG_3227IMG_3230IMG_3240IMG_3248IMG_3254IMG_3256IMG_3264IMG_3266IMG_3267IMG_3268IMG_3272IMG_3273IMG_3274IMG_3278IMG_3280IMG_3289IMG_3290IMG_3292IMG_3294IMG_3298IMG_3302IMG_3303IMG_3304IMG_3306IMG_3308IMG_3313IMG_3315IMG_3317IMG_3318IMG_3322IMG_3328IMG_3330IMG_3331IMG_3334IMG_3338IMG_3344IMG_3346IMG_3349IMG_3353IMG_3357IMG_3361IMG_3362IMG_3364IMG_3372IMG_3373IMG_3376IMG_3381IMG_3384IMG_3385IMG_3386IMG_3387IMG_3389IMG_3393IMG_3394IMG_3396IMG_3397IMG_3399IMG_3403IMG_3405IMG_3408IMG_3411IMG_3414IMG_3417IMG_3420IMG_3423IMG_3425IMG_3430IMG_3431IMG_3451IMG_3459IMG_3466IMG_3476IMG_3480IMG_3482IMG_3491IMG_3502IMG_3503IMG_3515IMG_3517IMG_3519IMG_3521IMG_3522IMG_3530IMG_3532IMG_3541IMG_3543IMG_3545IMG_3551IMG_3553IMG_3556IMG_3560IMG_3574

Puntlandes.com

About The Author