Mas’uul u hadlay kooxda Xamar ee Xasan Culusoow ayaa daaha ka qaaday in iyaga oo kaliyihi geli karaan heshiis Shidaal baaris ah
Mas’uul u hadlay kooxda Xamar ee Xasan Culusoow ayaa sheegay maata 06-09-2014 in kooxdooda kaliyihi ay geli karaan heshiis Shidaal baaris ee dalkii la isku oran jiran JS. Mas’uulkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali nuur Xaaji oo u qaabilsan Xasan Culusoow arimaha Shidaalka ayaa sheegay in ay sharciyan iyaga oo kaliyihi wakiil uga yihiin ummadda Soomaaliyeed shidaal baarista (oo xaguu ka keenay sharciga uu sheeganayo).
Waxaa uu mas’uulkani ugu baaqay Shirkadihii dawladihii hore (ka hor 1991) heshiiska la galay in ay soo noqdaan dalka hawshoodiina sii wataan. Waxaa uu intaa ku daray Maxamed in ay gacanta ku hayaan sharuucdii iyo xeerarkii qeexayey sida loo qaybsanayo Khayraadka dalka (oo maxay ismoodeen).
Mar uu soo hadal qaaday in dowladaha ka mid ah Federaalka (uusanba aqoonsanaynba) ay heshiis geli karaan ayuu si aan gabasho lahayn u yiri ”maya ma gelikaraan cid aan anaga ahayn”
Waxaa xusid mudan Qaynuunka uu ka dhawaajiyey in Soomaaliyi ku heshiisay in marka dowladaha Federaalka ka mid ah ay dhismaan ku heshiiyaan dowladaha xubnaha ka ah inta ay lahaanayaan iyo inta ay Federaalka siinayaan. Marka waxaa iswaydiin mudan xagee bay kooxda Culusoow ka keentay sharciyada ay isticmaalayso? Ma cirka? Mise mid ay bedeleen?
Sideedaba dowaladi waxay wax ku socodsiisaa labo aaladood oo kal ah a) shrciyad iyo B) awood dowladeed, Bal aan iswaydiinee ma haysataa kooxda Xasan Culusoow.
Xafiiska wararka
Puntlandes.com