War Deg Dega: All Shabaab oo doortay Amiirkooda cusub ka dib dilkii hogaamiyahoodii hore Godane

0

Kooxda Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku shaaciyey in uu la dilay Amiirkoodii hore Axmed Godane iyagoo isla markaasna shaaciyey in ay Amiir cusub u doorteen nin lagu magacaabo Axmed Cumar Al-Cubeydah oo dhawr iyo afartan jir ah.

Amiirkii hore ee kooxda Al Shabaab ayaa Marayk-anku ku dileen weerar diyaaradaha aan la wadin ku qaadeen habeenkii Isniinta ee taariikhdu ahayd  01-09-2014.

Hogaamiyaha cusun ayaa la sheegay in uu ku dhashay magaalada Qalaafe ee Ismaamul Goboleedka Itooiya. Wuxuuna hore u ahaan jiran hogaamiyahan cusubi macalin Quraan ka hor intii uusan noqon Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo Bakool ee kooxda Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa waxay  sheegeen in baycadii ay kula jireen ururka al-Qaacida iyo Amiirkooda guud ee Ayman Dhawaahiri ay dib u cusbooneysiiyeen oo ay mukhlisiin u yihiin.

Puntlandes

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *