Gadood ay sameeyey Ciidamada Booliska saldhiga dhexe ee magaalada Garowe

0

Garowe (Pes): Ciidamada Booliska saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa shalay, 6 dii sebtember 2014, sameeyey gadood ay irdaha isugu laabeen shaqadii xarunta ka socotey ka dib markii ay cabasho xoog leh ka muujiyeen Mushahaar la,aanta afar bilood ka badan, Daryeel la,aan haysata qaar ka mid ah askarta saldhiga oo ay lasoo gudboonaatey xaalad caafimaad oo u baahan gurmad deg dega, iyo Masruuf la,aan qoysaskooda.
112
Galinkii horre ee shalay ayaa lagu arkay saldhiga bartamaha magaalada Garowe ciidamo hubaysan oo saf dheer u galay muujinta gadoodkooda, kuwaas oo quful saarey irdaha Xarunta Xafiisyada taliyaasha booliska  iyo Halka ay ku xiran yihiin Maxaabiista xukun sugaha.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay masuuliyiinta laamaha amniga iyo Dowlada Puntland, kuna aadan gadoodka shalay ciidamo ka tirsan kuwa boolisku ka sameeyeen magaalo madaxda Garowe.
113
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo gadoodsan la arko tan iyo markii la doortey Madaxweyne C.wali Maxamed Cali (Gaas) oo inta badan ay qeyb ka yihiin dhaliilaha loo soo jeedinayo Xukuumadiisa cabashada ka taagan mushahaarooyinka shaqaalaha iyo Ciidamada.

Dhaqaalayahana wax odorasa ayaa la yaaban ama aan aqoon halka ay ka baxdo dakhliga u soo xarooda dowlada Puntland ee uu hogaanka u hayo Dr Gaas. Iyadoo la rumaysan yahay in ay kordhiyeen dakhliga dowlada Puntland halka aysan jirin ama ay yartahay qarash ay bixiso dowlada uu madaxda ka yahay Dr Gaas.

 

Garowe

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *