Somaliland oo si weyn uga carootay Geerida Axmed Godane

0

Garowe (Pes): Ka dib markii diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn ku dileen hogaamiyaha Ururka Alshabab Sheekh Axmed Cabdi Godane waxa si weyn usoo dhaweeyey dilka hogaamiyaha Alshabab DF Somaliya, Maamuladda Puntland, Jubaland, Khaatumo, Bartamaha Somaliya sida Ehlu sunna, Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug.

Axmed Cabdi Godane oo dhalasho ahaan kasoo jeeday deegaanada Somaliland ayaysan wax war ah kasoo saarin Somaliland sida ay u arkaan dilka Hogaamiyaha Alshabab madaama dhigooda la midka ah ee ka jira dalka Somaliya soo dhaweyn ku muujiyaan geerida Axmed Godane.

Qaar ka mid ah Shacabka Somaliland oo microphone-ka Idaacadaha gudaha dalka iyo Warbaahinta BBC-da la dhex qaaday waxay si cad u sheegeen inuu ku dhacay hab qabyaaladeed dilka Axmed Godane, Iyagoona ku sababeeyey in loo baahnaa marka hore in la dilo rag ay ka mid yihiin Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Wadaadkii ka dagaalami jirey buuraha Galgala ee Puntland Sheekh Atam. Taas oo ah wax iyana meesha ku jira inkastoo ay dheheen waa ka toobad keenay hadana qori iyo qaaci waa la isla tuuraa.

Carada ay ku muujiyeen fikradaha ay ka dhiibteen qaar ka mid ah shacabka ku nool Hargeysa geerida Axmed Godane Xilli Somalida inteeda kale ku faraxsan yihiin ayaa banaanka usoo saareysa tuhunadii horey u jirey ee ku aadanaa  xiriirka ay wadaagaan Alshabab iyo Somaliland.

Hadalada kasoo baxay Qaar ka mid ah Shacabka Somaliland ayaa dad badan afka gacanta saareen madaama ay si cad ugu eedeeyeen dhimashada Axmed Godane Somalida dhexdeeda in laga soo abaabulay xilli la ogsoon yahay inay fulisay  Dowlada Mareykanka Ka dib markii gantaal u adeegsatey maalmo ka hor.

Garowe

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *