Akhriso sida uu AUN C/laahi Yusuf ugu qaybiyey xubnaha Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo Beelaha Gobolka Mudug +FAALLO

7 July 2016 (Puntlandes) AUN madaxweynihii u horeeyey ee Puntland Cabdulaahi Yuusuf,oo talada Gobolka Mudug aan Cidna kala tashan jirin oo kaligiis sida ay la tahay uu ku dhaqaaqi jiray, ayaa waxa uu Qaybiyey Xubnaha Golaha Deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

226-9a12

Maadaama ay degmada Gaalkacyo ka mid tahay Degmooyinka waawayn ee A-da loo yaqaaan waxay leedahay Golaha Deegaan oo ka kooban 27 Xubnood.

Hadaba hoose ka akhriso sida uu AUN Cabdulaahi Yuusuf u qaybiyey Xubnaha Golaha Deegaanka ee degmada Gaalkacyo:

  • Cumar Maxamud 12 xubnood
  • Leelkase 5 xubnood
  • Reer Bicidyahan 3 xubnood
  • Wabeneye 1 xubin
  • Cisman Maxamud 1 xubin
  • Ciise Maxamud 1 xubin
  • Reer Maxamud 1 xubin
  • Carabsaalax 1 xubin
  • Nuux Jibriil 1 xubin
  • Madhibaan 1 xubin

Isugaynta guud waa 27 xubnood

Xubnaha Beesha Cumar Maxamuud

Xubnaha Beesha Cumar Maxamuud uu ka siiyey AUN Cabdulaahi Yuusuf Golaha Deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa sidaan hoose kala ah:

  • Reer Khalaf 2 xubnood
  • Reer Mahad 2 xubnood
  • Reer Xirsi 1 xubin
  • Reer Aadan 1 xubin
  • Cabdi Ciise 1 xubin
  • Reer Cabdulle 1 xubin
  • Reer Cali Maxamad 1 xubin
  • Maxamad Cumar 1 xubin
  • Ibraahim Cumar 1 xubin
  • Yonis Cumar 1 xubin

Isugaynta guud waa 12 xunbood.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan inay Waqtigii uu AUN Cabdulaahi Yuusuf qaybinayey Golaha Deegaanka ee degmada Gaalkacyo ay reer Gaalkacyo kala ahaayeen kuwa u arkayey wiilkooda oo wax qaybinaya iyo kuwo kasoo horjeestay oo ay ku shaqaysay Rabitaankii AU Cabdulaahi Yuusuf.

Maanta oo aan wali la gaarin hal qof iyo hal cod in wax lagu soo doorto, waxaa qasab ah in la raaco habqaysigan lagu soo dhaqmayey muddada dheer, oo kaliya ku salaysan rabitaankii AUN Cabdulaahi Yuusuf ee aan ku imaan talo ay wax ku leeyihiin shacabka Degmada Gaalkacyo.

Beeshii badan iyo tii yar waxaa la kala ogaan doonaa marka ay timaado Shaqsiyaadkii ama Jufadii la timaada hal qof iyo hal cod in wax lagu soo doorto, inta ka horaysana waxaa la raacayaa tii uu keenay AUN Cabdulaahi Yuusuf.

Shacabka Degmada Gaalkacyo uma baahna Buuq wax dan ah oo ugu jirtana ma jirto, waxa kaliya oo dantoodu wada tahayna waa in ay Helaan Amni, Xasilooni iyo ka shaqaynta shacab iyo maamul ba sidii looga shaqayn lahaa in la Horumariyo Degmada Gaalkacyo oo ka hartay magaalooyinka la midka ah ee Soomaaliya.

Runtii guud ahaan gobolka Mudug iyo gaar ahaan magaalada gaalkacyo ma helin cid u naxaysa oo usoo jeesta ka shaqaynta Horumarintooda, waxaana la gaaray xiligii ay heli lahaayeen Horumarka ay mudan yihiin inay helaan.

Gaalkacyo Puntlandes.com

About The Author