Sawirro: Madaxweynaha DFS oo booqday Xeebta Liido
7 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan DFS, ayaa shalay dabaaldagga Munaasibadda Ciidul Fitriga awgeed booqday Xeebta Liido ee maagalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la sheekeystay dadweynaha ku sugnaa Baararka laga cunteeyo ee ku teedsan Xeebta liido, isagoo ugu dambeyntii la hadlay dadwynaha ku damaashaadayay Xeebta Liido, ugana hambalyeeyay Dabaaldagga Maalinta Koowaad ee Ciidda.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dadweynaha ku sugnaa xeebta Liido ugu baaqay in la iscafiyo islamarkaana laga shaqeeyo horumarka iyo Midnimada Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo burbur iyo Colaad Sokeysa maantana uu soo gaaray meel wanaagsan oo dadlalka caalamka ay ku dhiiranayaan in ay maalgashadaan Soomaaliya kana qeybqaataan dib u dhiska iyo hormarka Soomaaliya.
Puntlandes.com