Xog-War Deg Dega: Agaasimihii Hay’adda Nabad sugida Muqdisho oo si Deg deg ah xilkii looga qaaday ka dib markuu xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Xasan Culusoow

0

Muqdisho (Pes): Golaha wasiirada ee DFS ta Xamar ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay Xamar ku yeesheen waxa ay xilkii ka xayuubiyeen Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Sanbalooshe ayaa waxa uu abti u ahaa Madaxweynaha DFS Xamar Xasan Culusoow isagaana ka dambeeyey in la laga dhigo  Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka isagoo markii hore u ahaa safiirka u fadhiya DFS dalka Ingiriiska.

117

Agaasime Sanbalooshe ayaa wuxuu la soo baxay kibir, xushamad daro iyo qadarin la’aan dadka kala tirsan DFS maadaama uu isku halyn ka haystay Xasan culusoow. Kibirkii wuxuu gaarsiiyey sida ay ilo lagu kalsoon yahay ka heshay warbaahinta caalamiga ee Puntlandes in uu xiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS. Xildhibaankaas magaciisa way ku hawlan tahay Puntlandes in ay akhristayaasheeda usoo gudbiso.

116

Waxaa xariga Xildhibaanka aad uga xumaaday Ra’iisul wasaarah DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed isagoo sida ilaha lagu kalsoon yahay u sheegeen Puntalndes ka dalbaday Sanbaloolshe in uu raaligelin bixiyo Sanbalooshana waa ku gacansayray oo waa uu diiday in uu raaligelin siiyo Xildhibaankii.

118

Ra’iisul wasaarah DFS Cabdiweli ayaa shir deg dega maanta isugu yeeray Golihiisa Wasiirada waxayna u codeeyeen in ay ka xayuubiyeen xilkii uu u hayey DFS ee ahaa Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka. Wasiir Goodax oo ay isku beel yiohiin ayaa soo jeediyey in marka hore digniin la siiyo ee aan laga qaadin xilka waana ka diideen Golaha wasiirada DFS.

 

Agaasime Sanbalooshe ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyey ee eedsada xilkiisana ku waaya kibir,afxumo iyo islawayni. Isagoo hadana aan ka helin oo ka waayey hiilkii iyo isku halayntii uu ka sugayey Xasan Culusoow oo markii horeba meesha keensaday.

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *