Midowga Afrika oo sheegey inay Ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Somaliya sanadka 2020

7 July 2016 (Puntlandes) Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay qorsheynayaan inay Ciidamada AMISOM kala baxayaan dalka Somaliya sanadku markuu yahay 2020.

227-4d

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saarey Todobaadkan qoraal ku go’aamiyeen arintan, iyadoo ay Midowga Afrika ka joogaan ciidamo ka gaaraya 22000 kuna hawl gala magaca AMISOM.

Go’aanka Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegey in qorshaha ka bixista uu yahay in mas’uuliyada amniga si taxadar leh ugu wareejin doonaan ciidamada Soomaaliya laga soo bilaabo sanadka 2018-2010.

Halkan ka akhriso:  African Union to Withdraw Troops From Somalia by 2020

Puntlandes.com

About The Author