XOG: Xulista Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo oo maraysa heer gabogabo ah

9 July 2016 (Puntlandes) Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka soconaya Xulista Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya Golaha Deegaan ee Degmada Gaalkacyo taasoo ay u qabanayaan Guddiga uu xilsaaray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo u hogaaminayo Wasiirka Deegaanka,Duurjoogta iyo Daxlxiiska Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame.

226-9a12

Sharuudo adag ayaa lagu soo rogay iminka Xubnaha ka mid noqonaya Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo, waxaana ka mid ah inaysan soo noqon karin Xubnihii hore ee Golaha Deegaan ee Degmada Gaalkacyo iyo inay leeyihiin Aqoon heer Jamacadeed ama wax u dhigma.

Ujeedada Sharuudaha adag ayaa ah inay Golaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo uu noqda mid yaqaan waxa looga fadhiyo oo ah Hormarta Magaalada Gaalkacyo ee dhan walba.

Warar kusoo dhacaya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay Gabogabo marayso soo gudbinta Xubnaha ay beelahu usoo gudbinayaan ka mid noqoshada Golaha Deegaan ee Degmada Gaalkacyo.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah logu dhawaaqo Golaha Deegaanka Cusub ee Degmada Gaalkacyo, kuwaasi u dhaqaaqi doona sidii ay u dooran lahaayen Duqa Magaalada iyo ku xigeenkiisa.

Puntlandes.com

 

 

 

 

 

About The Author