Fadlan ka qaybqaado dhismaha Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada Bur Saalax

0

Sida aad ogtihiinba ALLAAH SWT waxaa inoo abuurtay (Innaga iyo Jinkaba) in aynu caabudno oo kali ah. Haddaba waxaa habboon in aynu danteenna garano oo aynu ka faa’iidaysano fursada caafimaadka, dhallinyaranimada, hantida, nolosha iyo guud ahaanba nimcooyinka faraha badan oo Eebbe Wayne noogu deeqay.

Waxaa dhawaan la bilaabay dhismaha Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada Bur Saalax. Masaajidka oo aad ugu yaraa, ciriirina ku ahaa dadka muslimiinta ah, ayaa degaanku isla qaatay in masaajidka la balaariyo oo dabaq suge laga dhigo. Qiimayntii Engineer ku sameeyeyna waxaa ay noqotay in Masaajidku uu ku kacaayo lacag dhan USD230,000. Runtiina, wax lacag ama dhaqaale ah oo meel u yaallana Masaajidkana ma jiraan. Waxaase jira dad muxsiniin ah oo u guntaday, naf, wakhti iyo maalbana u huray sidii Gurigaa Eebbe uu u dhismi lahaa – ALLAAH SWT waxaan uga baryaynaa dadkaa iyaga ah in uu Adduun iyo Aakhiro ba barkeeyo oo dambigooda iy kii waalidkoodba uu dhaafo – Aamiin Yaa Rabbal-Caalamiin.

 

 Naftaada ka Qaad oo Naftaada ka Qaad – Walalayaal, adduunka waxa la joogaa waa waqti yar oo kooban, Aakhiradu na waa tii lagu waaraayey. ALLAAH SWT iyo Rasuulkeenii Suubannaaba waxaa ay inoo xaqiijiyeen in aan maalku ku nuqsaamin Sadaqo laga bixiyo, balse uu ku bulaalo/ku bato. Haddaba inta aynu caafimaadka qabno oo hantideenna aynu go’aankeda leennahay aynu wax kala baxno oo hor marsanno. Masaajidkuna, isagu ku maba jiro oo qofkii wax ku darsada, Guri ayaa ALLAAH SWT u ballan qaaday in jannada looga dhisaayo.

 

F. G. hadda inta aynu fursadda haysanno haddii aynaan wax la bixin, ogaada hantidii aynu tacabkeeda dhibta u soo marnay waxaa u hari doona wiil food dheere ah oo laga yaabo in uu isticmaalo wax aan ALLAAH SWT raalli ka ahayn. Markaa, fadlan, aynu masaajidkaa wax ku darsanno – Waxii aynu la baxnana, waa kayd Aakhiro inoo yaalla ee nafta ha loo sheego.

Halka hoose ka daawo sawiro ina tusaaya horumarka dhismaha masaajidka, bilawgii ilaa iyo asbuucaan. Runtii xawli ayuu ku socdaa ALLAAH SWT ha inoo fududeeyo e – Aamiin – IA.

 

Bur saalax Hawshaa waxaa ka wada:

1-    Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji oo Hormood ka ah hawsha

2-    Shiikh Axmed Aw-Khalaf (Rafle)

Boosaaso na waxaa u xilsaaran, Xasan Yaasiin Sugulle iyo rag kale, Dhammaantood ALLAAH ha barakeeyo e oo ha xafido e – Aamiin – IA.

 

Qofkii wax la baxaayow oo ku sadaqaysanaya allah hortiis rabana in uu ka qaybqaato dhismaha Masaajidkaas, fadlan, waxaad ku aadisaa cinwaanadaan hoose:

 

1) Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji, Tel. No. +25290-7799913 – Bur Saalax.

 

2) Xasan Yaasiin Sugulle, Tel. No. +25290-7796988 – Boosaaso.

 

Qofkii masaajidkaa wax ku darsada isaga dar ALLAAH ula jeeda, innaga oo isku duuban waxaa aynu ugu ducunaynaa in dad iyo duunyo ba ALLAAH SWT u barakeeyo, Aakhiro na Jannatul-Firdawsa ugu bishaareeyo – Aamiin.

Ballanteennu waa cibaadada ALLAAH SWT oo Khaalis ah – Insha-ALLAAH.

Mahadsanidin – WajizaakumuLLAAHU Khayra.

Wassalaamu Calaykum Waraxmah.

 

Ibraahiim Cabdi Shire

Daawo sawirada dhismaha Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada Bur Saalax
SAM_2386

SAM_2396

SAM_2418

SAM_2429

SAM_2443

SAM_2452

SAM_2535

SAM_2537

SAM_2539

SAM_2541

SAM_2542

SAM_2543

SAM_2544

SAM_2595

SAM_2604

SAM_2605

SAM_2607

SAM_2608

SAM_2609

SAM_2610

SAM_2611

 

Puntlandes.com
 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *