Dhagayso: Mid ka mid ah gudiga weerarka ku soo ah Gobolka Mudug ”Hada arimo siyaasadeed ayaa looga reebay gudiga laakiin waa ka soo qaybgalayaan shirka Cadaado W/Mudug”

0

Gaalkacyo (Pes): Xareed Cali Xareed Wasiirka Kheyraadka ee xaafada Baraxleeey ayaa si aan la gabasho lahayn u sheegay in aysan hada arimo siyaasadeed awgeed aysan uga mid ahayd Gudiga farsamada Gobolka Mudug ee Puntland laakiin shirka ka dhacaya Cadaado waa lagu casuumayaa waana ka soo qaybgalayaan shirka Cadaado. Ninkan ka tirsan kooxda ay u soo direen Puntland iyo Gobolka mudug Xasan Culusoow iyo Axmed diiriye si ay colaad uga abuuraan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri ”Beeluhu iyagaa iska leh go’aankooda in ay ka mid noqonayaan Puntland ama Maamulka Gobolada Dhexe”  isagoo ula jeeda Beelaha dega Gobolka MUdug ee Puntland.

 

Xareed ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in dadku (isagoo ula jeeda Gobolka Mudug ee Puntland dadka dega), in ay meeshay ka tirsanaandoonaan ka sheegi doonaan Shirka Cadaado iyagoo markaas cadaynaya meeshay ku biirayaan Puntland ama Gobolada Dhexe.

 

 

Su’aasha iswaydiinta lihi waa maxaa u qorshaysan xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas? Ma saanaya u aamusnaan?

 

Halkan ka dhagayso Mr Xareed

Gaalkacyo
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *