Daawo Sawirrada: Dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha Turkiga oo ka dhacay Muqdisho
16 July 2016 (Puntlandes) Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa maanta dibadbax ay ku taageerayaan Madaxweynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ka sameeyay Muqdisho.
Bannaanbaxayaasha, ayaa ku qeylinayay ereyo ay uga soo horjeedaan afgembigii fashilmay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga, iyagoona muujiyay sida ay u barbar taagan yihiin Hogaamiyaha Turkiga Ergogan.
Bannaanbaxayaasha oo watay Calamada Somaliya iyo Turkiga iyo sawirada madaxda labada dal, ayaa waxaa halkaasi kula hadlay hormuudkii soo qaban qaabiyay bannaanbaxa lagu taageerayo Madaxweynaha Turkiga.
Dadkii ka qeybqaatay bannaanbaxaan, ayaa waxay sheegeen inaanay marnaba taageeri doonin in afgambi xilka looga tuuro Madaxweyne Erdoğan, iyagoo ku ammaanay inuu yahay mid u soo gurmaday dadka Somaliyeed, xilli marxalad adag ay wajahayeen.
Ugu dambeen bannaanbaxayaasha, ayaa socod ku tagey Xarunta Safaaradda Turkiga oo ku taala Degmada C/casiis, si ay diblomaasiyiinta Turkiga ugu muujiyaan is garabtaagooda.
Puntlandes.com