Xog: Madaxweyne Xasan Culusoow oo Ganafka ku dhuftay xilka qaadistii Golaha wasiirada Dowlada xamar ku sameeyeen Sanbalooshe

0

Muqdisho (Pes): Ka dib markii ay Golaha wasiirada ee DFS ta Xamar kulan deg deg ah oo ay Xamar ku yeesheen ay xilkii kaga xayuubiyeen Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) 7 dii sebtember 2014. Sanbalooshe ayaa waxa uu abti u ahaa Madaxweynaha DFS Xamar Xasan Culusoow isagaana u dhiibtay xilkaas isagoo markii hore u ahaa safiirka u fadhiya DFS dalka Ingiriiska.

128

Agaasime Sanbalooshe ayaa waxay xilka uga qaadeen Golaha wariirada ka dib markii loo duqaadan waayey kibir, islwayni, amardiido iyo ku tumasho qaynuunka dowliga ah. Wuxxu gaaray in uu xabsi u talaabo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS ta Xamar uuna u hanjabo in uu xirayo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

116

Ilo xog ogaal ah oo ka agdhow Villa Xamar gaar ahaan xafiiska Culusoow ayaa u soo dusiyey warbaahinta caalamiga ee Puntlandes in uu madaxweyne Xasan Culusoow ka hor yimid xilka qaadista golaha wasiirada uuna taa bedelkeeda olole ugu jiro sidii uu daaqada uga saari lahaa  Ra’iisul wasaarah DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Xasan Culusoow oo laga soo xigtay in cid ka faramoojin kartaa sanbalooshe aysan jirn uuna difaacaayo wiilka abtiga u ah.

Xildhibaanka uu xabsiga dhigay Agaasime Sanbalooshe ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Shiiraar.

 

Wixii war ah oo ku soo kordha ha ka agdheeraan Puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *