Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay saraakiil la dalacsiiyay
18 July 2016 (Puntlandes) Munasabadan oo lagu dhaarinayey sarakiil cusub oo ka tisan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo ah dhallinyaro Jaamacadaha kaga soo biiray Sanadkaan Booliska ayaa Shalay lagu qabtay xarunta Taliska booliska Soomaaliyeed ee magalaada Muqdisho.
Munasabadda lagu dhaarinayey Sarakiisha Cusub booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Wasiiro, Taliyaha Ciidanka booliska, taliyaha ciidanka Asluubta, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, Ururka Haweenka Qaranka iyo Sarakiil kale, waxaana heeso ka hadlaya waxqabadka iyo waajibaadka Ciidanka Soomaaliyeed ka qaadayey fanaaniinta Hobolada Heegan.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay sharaf wayn u tahay ciidanka booliska Soomaaliyeed in ayku soo biraan dhallinyaro Jaamiciyiin ah.
Puntlandes.com