Daawo Video-Sawirro: Sida ay Ruwanda u dhismatay barbardhigna Soomaaliya oo dadkeedu burburiyeen!!!!

18 July 2016 (Puntlandes) Ruwanda waxay Xuduud la leedahay wadamada Burundi, Kongo-Kinshasa, Tanzania och Uganda. Caasimadeeda waxaa la yiraahdaa Kigali. Ruwanda dadkeedu waa 11.78 miljan oo qof.

Waa dal aad u yar marka laga eego baaxadda dhulka laakiin ay dadkeedu isna dileen wax badan ay wada qabsadeen, dhulka dalka Ruwanda waa 26 338 km² kaliya waxaana ka wayn Gobolka ugu yar Soomaaliya oo 27 500km² ah CAJIIB!!! Soomaaliya waa 638oookm²

Soomaaliya waa dal Qurux, Khayraad iyo Baaxad Allah ku manaystay laakiin waxaa Hagraday shacabkeeda ee maanta way dhaafi lafayd dhamaan dadyawga Afrika, bal iswaydiiya maxaad Soomaaliyeed ku jaawaabaysaan haddii la din ewaydiiyo:

  • Maxaa dalkiina sidan uga dhigteen?
  • Intee ayey Soomaaliya Burbursan tahay?
  • Maxaad isku dilaysaan?
  • Yaad xal ka sugaysaan?
  • Yaa leh Soomaaliya?

Jawaabteenu ma waxay noqonaysaa:

  • Waxaan diidayaa in uu reer Hebel ii taliyo
  • 26 sano ayey Burbursanaynd
  • Waxaan isku dilaynaa QABIIL!!
  • Beesha Caalmka ayaan xal ka sugaynaa
  • Angaa leh…Soomaali ayaa leh!!

Bini’aadanka Allah wuxuu Xayawaanka kaga duway waa Caqliga ee Soomaaliyeey goormaad Caqli aad ku hafanto Xumaanta aynu Soomaaliya ka wadno, iyo inaynu dalkaan wada leenahay lana isqaban karo laakiin ay qasab tahay in la Heshiiyo lawa noolaado waxna la wada qabsado la iskana kaashado Cadawga aynu wada leenahay.

 

Daawo Video-Sawirro: Sida ay Ruwanda u dhismatay barbardhigna Soomaaliya oo dadkeedu burburiyeen!!!!


227-8b4

227-8b5

227-8b6

227-9b

227-9b1
Puntlandes.com

About The Author