(Sawirro) Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo qado sharaf u sameeyay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Bahararsame ee Dhulbahante.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland qado sharaf u sameeyay Waxagaradka ,Cuqaasha ,Siyaasiyiinta ,Saraakisha Ciidamada iyo Aqoonyahanada Beesha Bahararsame ee Dhulbahante .

Kullanka Qado sharafta ah ayaa waxaa Madaxwayne Gaas ku wehliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland mudane Soocade, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland mudane Axmed Karaash, Xildhibaano iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

Qadada kadib ayaa kullan gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Beesha Bahararsame ee Dhulbahante ayaa madaxweynahu waxaa uu u cadeeyay in xukuumadiisu ay ka go’antahay sidii horumar balaaran loo gaarsiin lahaa Guud ahaan Gobolada Puntland, kullan kaana Gogol xaar u yahay isu soo dhawaynta Beelaha Wada daga Puntland oo Beesha Bahararsame ka mid tahay .

Dhinaca kale Waxgaradkii iyo Siyaasiyiinti Madasha Goob jooga ahaa ayaa iyana dhankooda sheegay in ay soo ajiibenShirkii wada tashiga iyo Midnimada Umadda Puntland oo Madaxwayne Gaas ugu baaqay Beelaha Dega Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee Puntland inay ka soo qayb galaan.

Gaarsiinta Adeegyada Caafimaadka,Waxbarashada iyo Baahinta Maamulka Ayuu madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u balan qaaday wax ka qabashadooda arimahaasi oo idil iyo Kobcinta iyo Kor uqaadida arimaha Bulshada .

 

Ugu Dambeyn Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay Deeq u fidisay dadkii ay sameeyen Dagaaladii dhawaan ka qarxay qaybo kamid ah Gobolka Sool Dagaaladaasi oo dadbaani ku dhinteen halka qaybtoodna ku barakaceen.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee MadaxtooyadaPuntland.
132

133

134

135

136

137

138

 

Puntlandes.com

 

About The Author