Agaasimayaashii Waaxyaha Dowlada Hoose Ee Degmada Gaalkacyo Oo La Kala Diray

23 July 2016 (Puntlandes) Guddiga saxida iyo dib u dhiska Dowladda Hoose ayaa shalay kala diray  Agaasime Waaxeedyadii Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo, kuwaasoo ahaa 6 agaasime.

226-9a9

Agaasime Waxeedyada la kala diray ayaa Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa ka shaqaynayay muddo aad u dheer, iyagoo lagu soo eedeeyey Shaqo gudasho la’aan iyo Musuqmaasuq.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan magacaabay Guddiga saxida iyo dib u eegista Degmada Gaalkacyo.

6 dan Agaasime ayaa waxay Guddiga saxida iyo dib u dhiska Dowladda Hoose shaaciyeen in loo tartami doono ayna bilaabanayso Arji qabaqada 24ka bishan ee beerri ah iyadoo Imtixaan loo fariisan doono 27ka Jily 2016.

Gudiga ayaa waxay sheegeen inay Mudnaanta siin doonaan Haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Puntlandes.com

About The Author