Faallada Maanta:Labo Sano ka dib,Maxaa u qabsoomay Dowlada Federaalka Soomaaliya?.

10-kii Septembar sanadkii 2012 ayay ahay markii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Baarlamanku u doorteen Xassan Sheekh Maxamuud oo ahaa hogaamiye si Xawli ah kuso fuulay Saaxada Siyaasada Soomaaliya.

143

Inkasta oo aysan la yaab ahayn Soomaaliya in la arko Siyaasi si Xawli ah kuso fuula Jaranjarada Siyaasada,oo waxaa tusaale kuugu filan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sida fudud ee uu ku gaaray Kursiga ugu sareeya dalka.

139

Horu-dhac:-Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee hogaamiya Dowlad aan KMG ahayn,wuxuuna nasiib u yeeshay in lagu doorto gudaha dalka Soomaaliya.

Doorashadiisa waxaa soo dhoweeyay dadweyne aad u tira badan,War-saxaafadeed ay soo saartay Dowlada  Puntland Doorashadii Xassan Sheekh Ka dib waxay ku sheegtay ‘’in wada shaqaynta Federaalka iyo Puntland uu saldhig u noqonayo hadba sida Federaalku ay ugu shaqeeyaan Dasrtuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed’’.

145

Laba sano ka dib,Maxaa u qabsoomay Madaxweynihii lagu hanwaynaa?.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud Khudbadii uu u jeediyay Baarlamanka Soomaaliya wuxuu ku balanqaaday inuu wax ka qabanayo Lix Tiir oo waawayn,kuwaas oo kala ahaa;-

1.Xasilinta dalka,saraysiinta Sharciga iyo dowlad wannaaga.

2.Soo noolaynta adeegyada Bulshada.

3.Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta.

4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

5.Midnimada iyo Wada jirka umada.

6.iyo Abuurida Xiriir Caalami ah.

 

Hadaba waxaan si qoto dheer u qaada dhigaynaa,Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka qabtay balanqaadkii uu sameeyay,labadii sano ee Xafiiska joogay?.

 

1-Dowlad wannaaga.

Nidaam dowladeed oo ku dhisan Aqoon,Cadaalad,Sinnaan iyo wada tashi,kana hufan Cadaalad daro,eex,nin tooxsi,Qabyaalad iyo Qaraabo kiil ayaa umada Soomaaliyeed ay baahi wayn u qabaan,inkasta oo ay adag tahay sida lagu gaaro himiladaas.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Musuqmaasuqday deeqihii lagu helay Magaca umada Soomaaliyeed,waxay wax ka badashay Dastuurkii ay ku heshiiyeen Soomaalidu,waxaana Awooda Dowlada ay gacanta u gashay Koox gaar ah oo umada Soomaaliyeed ay u yaqaaniin ‘’DAMJADIID’’.

144

Madaxweynaha ayaa Maroorsaday awoodihii ay kala lahaayeen  Hay’adaha dalka ee Dastuuriga ahaa,waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanku ay noqdeen kuwo marti ka ah awooda Dastuuri ee ay leeyihiin.

Marka aynu dib u xasuusano khilaafkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid iyo loolanka awoodeed ee hadda u dhexeeya Madadxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarada ayaa tusaale kuugu filan sida Madaxweynuhu uu ugu Xadgudbay  Awdooda Hay’adaha Dhigiis ah .

Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay todobaadkan si rasmi ah usoo saartay ku sheegtay in Dowlada Federaalka ay marti u noqotay Musuqmaasuq,taasi oo horseeday in Madaxweynihii Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geel oo aad ugu dhowaa Xassan Sheekh uu dhowaan Beesha Caalamka ka codsado inaan Federaalka lagu aaminin deeqaha loogu talagalay umada Soomaaliyeed!!!!!!.

Mar haddii la yiri lama aamini karo Xassan Sheekh iyo Dowladiisa,waxay muujinaysaa heerka uu gaaray Musuqmaasuqa hareeyay dalka.

Hadaba Dowlada Federaalka Soomaaliya,ayaan ku guulasan Dowlad wannaag labadii sano ee tagay.

 

Amaanka iyo Garsoorka.

Amaanka iyo Garsoorka dalka ayaan gaarin hormar la taaban karo labadii sano ee tagay,marka aynu ka shidaal qaadano Heerka Cadaalada Maxkamaduhu ay gaartay iyo amaanka Dhulka ay gacanta ku hayso Dowlada Soomaaliya oo noqday mid aan la isku halayn Karin.

Talaabada Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ay kula wareegen qaar ka mid ah degmooyinka ay gacanta ay ku hayeen Ururka Shabaab,waxaa lagu tilmaami karaa hormar kooban oo aan gaarin heerkii loo baahna,marka la fiiriyo waqtiga ay lumisay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

140

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aan la isku halayn Karin,waayo waxaa lagu laayay Xildhibaano qiimo u lahaa umada Soomaaliyeed,Ciidamo,dad Rayid ah iyo Mas’uuliyiin heer degmo.

146

Amaanka Muqdisho ayaa gaaray heer Madaxdii ugu saraysay dalka ay naftoodu halis gasho,ka dib markii Al-Shabaab ay gudaha u galeen Villa Soomaaliya.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah iyo Weerarada lagu qaaday Xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa noqday kuwo xargaha goostay labadii sano ee tagay,waxaana awooda waxqabad ee amaanka Muqdisho ee Dowlada uu noqday mid ku siman Mas’uul la badalo,oo mid kale lagu badalo.

141

Dhanka kale Garsoorka iyo Cadaalada ayaan hormar samayn labadii sano ee laso dhaafay,waayo waxaa Maxkamadaha Muqdisho ka dhaca Xukuno aan Cadaalad ku sinayn.

Ciidamada Amisom ayaa iska Kufsada haweenka Soomaaliyeed,sida lagu cadeeyay Warbixin todobaadkan kaso baxday Hay’ada Xuquuqda Aadana u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Hadaba Amaanka,Cadaalada iyo Garsoorka labadii sano ee tagay,muxuu ka  qabtay Madaxweynuhu,mar haddii xaaladda Amaan iyo Garsoorku uu sidan yahay.

 

2.Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta.

Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta ayaa ah arrin muhiim u ah umada Soomaaliyeed,maadama 23-sano ka hor ay kala tageen umada Soomaaliyeed,ka dib markii dagaalo Qabiil ku salaysan ay dhexmareen.

151

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuldaraysatay Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta dalka,waxaana Aqoonyahanka Soomalaiyeed qaarkood ay qabaan in labadii sano ee tagtay ay sii kala fogaadeen umada Soomaaliyeed,ka dib markii Hogaanka dalka uu u dhaqmay si aan Mas’uuliyadi ku jirin.

142

Labadii sano ee tagay Xatta hormar kooban lagama samayn Nabadaynta iyo Dib u Heshiisiinta,oo ka mid ahayd waxyaabaha uu balanqaaday Madaxweynuhu.

 

3.Soo noolaynta adeegyada Bulshada.

Dib u noolaynta Adeegyada Bulshada ayaan samayn hormar la taaban karo,marka aynu fiirino Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Deeqada Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa ku kooban magaalaad Muqdisho,halka loo baahna in la gaarsiiyo Gobolada kale ee dalka.

147

Cisbitaalada iyo goobaha Waxbarshada ee laga dhisay Muqdisho ayuu ku kooban yahay waxqabadka Adeega Bulshada ee uu balanqaaday Madaxweynaha Soomaaliya,taasi oo aysan Madaxa la ruxin Gobolada kale ee dalka,oo loo baahna in si siman lo gaarsiiyo adeegyada Bulshada.

 

4.Midnimada iyo Wada jirka umada.

23-sano ka dib,in la helo Midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed ayaa ah mid ay baahi wayn u qabaan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Inkasta oo Dowlada Federaalka ay sii waday wada hadalkii Soomaaliland ee uu bilaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed,hadana ma noqon mira dhal labadii sano ee tagay.

Wada hadalka aan hormarka laga gaarin ee Soomaaliland iyo Federaalka,aragti Midaysan kama qabaan umada Soomaaliyeed wada hadalka Soomaaliland iyo Federaalka.

149

Safaradii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa lagu tilaami karaa guul kooban oo uu sameeyay Madaxweynaha,inkasta oo natiijada kaso baxday Safarka uusan noqon Miradhal.

Xiriirka u dhexeeya Federaalka iyo Maamulada dalka ayaan wannaagsanayn,waxaana gaabis noqday hirgalinta Nidaamka Federaalka ee ay ku heshiiyeen umada Soomalaiyeed.

Puntland ayaa Xiriirka u jartay Federaalka,ka dib markii Xadgudub lagu sameeyay Dhuka Puntland,taasi oo u muuqanaysa in Federaalku ay ku doonayaan inay ku abuuraan Colaad iyo khalkhal 23-sano ka dib.

 

‘’Xumaha kama qaloodaan,qumanaantu waa u ceeb,qalooc bay ka  jecel yihiin’’.

March 28, 2013 ayay ahayd markii magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada  Hoose uu ka dhacay dagaal Beeleed,ay dabada ka riixayso Dowlada Federaalka,kaas oo lagu gumaaday Maato aan waxba galabsan,dhacdadan ayaa ka mid ahayd dhacdooyinka liddiga ku ahaa Midnimada iyo wada jirka umada.

Waxaa xusid mudan in Dowlada ay dagaal Siyaasadeed oo toos ah ku qaaday dadweynaha Jubbaland,ayna ka hortimi inay samaystaan Maamul goboleed,taasi oo Dastuurku uu u ogolaanayay.

Midnimada iyo wada jirka umada iyo Hirgalinta Nidamka Federaalka ayaan laga gaarin guul ka taaban karo labadii sano ee tagay.

 

5-6;Abuurida Xiriir Caalami ah iyo Soo noolaynta Dhaqaalaha Dalka.

Inkasta oo Caalamku uu aqoonsaday Dowlada Federaalka,si KMG ahna looga qaaday Cunaqataynta hubka,hadana  Dowlada Xassan Sheekh Maxamjuud kama faa’iidaysan fursada ay heshay,oo aysan horay u helin Dowladihii KMG ahaa ee ka horeeyay.

150

Taageerada ay siisay Beesha Caalamku umada Soomaaliyeed ayaa burburay ka dib markii uu Musuqmaasuq hareeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dib usoo noolaynta Dhaqaalaha kale ee dalka ayaan talaabo loo qaadin,waxaana labadii sano ee tagay ay ku qiimaynsan yihiin Faaladan maanta,oo qof kasta oo akhriya uu ka arki karo Guuldarada Dowlada Federaalka ee Labadii sano ee tagay.

148

Hirgalinta Nidaamka Federaalka,ku dhaqanka Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,gaarida Doorasho Xor ah oo dhacda sanadka 2016 ayaa ah Arrimaha horyaala Dowlada Muqdisho inay qabato waqtiga kooban ee u haray.

Hadaba Waxqabadka Waqtiga u dhiman Dowlada,ma wuxuu noqon Doona Xal,mise Xujo?.

 

Xigasho: Puntlandi.com iyo Farshaxanka aminarts.com

daabacaad Puntlandes.com

About The Author