Sawirro: Qoraa Cabdirisaaq Baraag oo ku soo bandhigay Gaalkacyo labo buug oo u qoray
23 July 2016 (Puntlandes) Qoraa Cabdirisaaq Maxame Axmed (Cabdirisaaq Baraagoo) oo ka mid ah dhallinyarada reer Puntland ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay Jimcihii shalay laba buug oo u ugu magac daray Qosal-Qiso iyo Qaamuska Eray Bixinta Casriga ah.
Badhigga buugagtan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Aqoonyahano, dhallinyaro, dhakhaair, haween iyo waxgarad ku nool magaalada Gaalkacyo.
Qooraa Cabdirisaaq Baraag ayaa si qoto dheer uga hadlay labada buug oo u soo bandhigay, waxuuna ku sheegay inuu filayo inay noqdaan kuwa bulshada wax ku soo kordhiya.
Dhammaan dadkii ka soo qayb galay munaasabada buugaagtan lagu soo bandhigay ayaa dhankooda sheegay in buugaagtan ay bulshada faa’iido badan u leeyihiin,waxaana ay dhiiri galiyeen sugaan-yahanada iyo qorayaasha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Dadweynihii ka soo qayb galay bandhigga ayaa iibsaday buugaagtii uu qoraagu soo bandhigay, iyagoona qoraaga uga hambalayay sida wanaagsan ee ugu howlan-yahay in isagoo da’yar uu wax ka qoro suuganta Soomaalida.
Puntland ayaa aad loogu dhiiri-galiya dhallinyarada iyo aqoon-yahannada wax qorista,waxaana dhawaan la filaya magaalada Garoowe in lugu qabto bandhig ballaaran oo lugu soo bandhigayo buug ay qoreen qoraayaasha afka Soomaaliga wax ku qora.
Puntlandes.com