Dhagayso: Gudoomiyaha Cusub ” Dhalinyarada Badbaado Mudug way guulaysatay Mudugna way badbaadaysaa”
24 July 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo ahna Duqa magaalada Gaalacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa khudbadii u horaysay ee uu jeediyo markuu guulaystay waxa uu ugu horayn u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo isagoo ugu mahadceliyey Guddiga saxida iyo dib u dhiska Dowladda Hoose ee soo xulay Golahan Aqoonta iyo Kartida leh ee ay soo xuleen.
Gudoomiye Tumey ayaa waxa uu ka codsaday Guddiga saxida iyo dib u dhiska Dowladda Hoose inay kala sii shaqeeyaan howlaha dhiman wuxuuna yiri “waxaan ku boorinayaa Gudiga howlaha inta dhiman oo anaga loo xilsaaray inaad nagala sii shaqaysaan, taasi codsi bay iga tahay maadaama aniga shaqadu ii taalo idinkana waa idinka sii codsanayaa inaad ila sii dhamaystirtaan”
Gudoomiye Tumey ayaa wuxuu kaloo u mahadceliyey Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dadaalkii uu u galay wuxuuna yiri Gudoomiye Tumey “waxaan u mahcelinayaa Madaxweynaha Puntland Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo runtii markii labaad ay tahay oo uu isku soo xilsaaro inuu Gaalkacyo Xaliyo oo kasoo saaro, Gaalkacyadii la sugayey, waxaana rajaynayaa dadaalka uu manta u galay inuu noqdo doono kii uu ku guulaysto oo miro dhala oo anaga shacabka iyo Degmadaba anfaca”
Gudoomiye Tumey oo ka hadlaya Isbedel dhab ah ayuu wuxuu dhiiri geliyey Dhalinyarada Degmada Gaallkacyo wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya “Dhalinyarada Badbaado Mudug way guulaysatay Mudugna way badbaadaysaa
Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in dhalinyarada loo dhiibo shaqada wadanka iyo Gobolkaba uguna baaqay dhalinyarada inaysan marti ka noqon danahooda.
Dhagayso Khudbadii Gudoomiye Tumey
Balanqaadkii Gudoomiye Tumey & Qorshihiisa dhaw
Gudoomiye Tumey ayaa Khudbadiisii inta aan la dooran uu jeediyey waxa uu ku soo bandhigay Isbedelka uu ka samaynayo Degmada Gaalkacyo kaasoo uu ka bilaabayo dib u habayn Shaqaalaha Degmada isagoo ku qaadan doona Aqoon iyo karti, dib u habayn Dhaqaalaha Degmada, ka shaqaynta Amniga, isku xirka Bulshada Degmada Gaalkacyo…..
Gudoomiye Tumey ayaa waxa uu soo bandhigay Qorshe cad oo kaga samaynayo Isbedel dhab ah Degmada Gaalkacyo, kaasoo haddii uu fuliyo noqonaya mid Taariikhi ah ayna u riyaaqi doonaan shacabka ku dhaqan Degmada Gaalkacyo.
Dhagayso howlaha uu qaban doono Gudoomiye Tumey
Puntlandes.com