Dadka ka baro Xubnaha Damul-Jadiid ee Majaraha u Haya Viila Xamar

DFS ta uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh (Culusoow) ayaa waxaa  majaraha u haya Shaqsiyaad ku bahoobay Urur daneedka damjadiid,hadaba waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa qaar kamid xubnahaas.

139

Faarax Sheikh C/qaadir

Faarax Sheikh C/qaadir waa shakhsiga Koowaad ee Maamula Xasan Culusoow waana ninka koowaad ee Taladiisa ka socoto Villa Xamar,waxana uuna ku dheereeya sida loola dagaalamo ama loo bur buriyo qofka ka soo horjeesta aragtidiisa waana meel mariyaa ama socodsiiyaa waxuu damco .

153

C/kariin Xuseen Guuleed

C/kariin Xuseen Guuleed Waa shakhsiga labaad ee ugu awooda badan kooxdan, aadna ugu dheereya sida wax loo marin habaabiyo loona wareeriyo shacabka.

149

Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)

Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) wuxuu ku magacaaban yahay xubinta sadexaad mana muuqdo.

156

Cumar Daahir C/raxmaan

Cumar Daahir C/raxmaan waxa uu Xubinta afraad ka yahay Urur Diimeedka Damul-jadiid waxana ay aad isugu dhaw yihiin qaraabana yihiin Faarax Shiikh C/qaadir.

Maxamed Cabdi Abtidoon

155

Maxamed Cabdi Abtidoon Waa Xubinta shanaad ee  Ururka ah wuxuu horey u ahaan jirey Urukii Aala Sheekh ee dowladdi Shariif Shiikh Axmed sidookalana wuxuu ka mid noqdey xubin ka tirsan Islaax, ka dibna waxa uu ku darsamay kooxda Damul-Jadiid, Abtidoon wuxuu xiligii xukuumadii farmaajo noqdey wasiiru Dowlaha Gaashandhiga Soomaliya.

154

Maxamed Nuur Gacal

Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaa uu sida Abti doon ka mid ahaa Aala Sheekh, wax yarna waxa uu ku biirey Islaax, ka dibna waxaa uu ka mid noqdey Koxdan Damul- jadiid. Waana xubinta lixaad

160

Dr Maxamed Xaaji

Dr Maxamed Xaaji Waxa uu inta badan waxbarashadiisa kusoo qaatay Dalka Sudan, waxa uu bare ka ahaa Jaamacad ku taalla Magaalada Khartoum “Africa” waxa uuna kamid yahay Raga Majaraha u haya Damul-Jadiid. Waana xubinta todobaad

159

Mahad Maxamed

Mahad Maxamed wuxuu Soo noqday Sarkaal katirsanaa Xisbigii Xasan Shiikh ee Fadhigoodu ahaa Nayroobi. Waana xubinta sideedaad

158

Muuse Ganjab

Muuse Ganjab Waa Ganacsade ku reer ah Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh, wax Lug ah kuma lahan Urur diimeedka, balse waxa uu dhaqaale ku bixiyay Doorashadii Xasan Sheekh uu ku soo baxay. Waana xubinta sagaalaad ee kooxdan

164

Sheekh Nuur Baaruud

Sheekh Nuur Baaruud: Waa muftiga ama sheekh dhankooda ku weyn, waxa uu kamid yahay Culimada go’aanka uu ka go, waana Sheekh u fatwoodo xiliyada Murugeysan oo ay Dam-Jadiid la kulmaan. Waana xubinta tobnaad ee kooxdan

163

162

 

Sawiradii AminArts

Putlandes.com

About The Author