MAQAAL: KOONFUR GALBEED WAA MAAMUL NIN KILIGIIS ISKU DOWLO AH
Hoggaan dal waxaa lagu sifeeyaa, hufnaan, xil-gudasho, dad uruurin, sariig iyo hoggaan wanaagsan. Waa in hoggaanku ku sifoobin, Inuu talada maroorsado, sharciga baalmaro, xeerarka dalka jebiyo, awooda dalka ku takri falo iyo xoolaha dadweynaha uu si tooos ama dadban u lunsado..
Hadaba waxay damiirteeyda dadnimo ii diideeysaa inaan ka aamuso dhibaada joogtada ee umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan bulshawaynta Koonfurgalbeed ay maanta ku sugan yihiin, kuwaas oo soo maray dhibaatooyin badan burburkii dalkeena ka dib.
Waxaa nasiib daro ah in hogaanka ISWA ama maamulka Koonfur Galbeed uu yahay maaamul hal qof kaliya ah, uusan lahayn Madaxwayne ku xigeen, wasiiro aqoon u leh Maareeynta iyo Qorsheeynta meelaha ay ku magacaaban yihiin, kuwasoo maanta tiradooda kor u dhaafaaysa 64 wasiir. Waxaa kaloo wax aad loola yaaba ah in Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu tiradiisa kor u dhaafaaya 145 oo aan Baydhabo ku sugnayn intooda badan, wax ay qabtaana aanan jirin.
Maamulka KG asagoon markiiba horeba aanan haysanin kalsoonida shacabka uu sheeganaayo inuu masuul u yahay, hadana ma jirto hay’ad dowladeed oo la xisaabtanta maamulkaas. Iskaba daa in maamulka uu gaarsiiisan yahay 3 gobol uu sheeganaayo xitaa marka aad la sheegeeysatid dadka degan magaalada Baydhabo waxay muujinayaan amaba shaki gelinayaan inuu jiro maamul oo waxay kugu jawaabayaan ” Ma maamul baa Jira?
Hogaanka waxaa uu mashquul ku yahay doorashada 2016 taas awgeed maba joogaan Baydhabo, waxay inta badan joogaa Xamar, tasoo curyaamineeysa shaqadii dadka loo qaban lahaa. Waxaa kaloo nasiib daro ah in maamulka uu u egyahay mid jaran-jaro siyaadeed dadkaan uu rabo inuu ka dhigto si hamiga siyaadeed uu leeyahay inuu u romeeyo. Dowladaha Aduunka (International Community-ga) markay arkeen in maamulkaan uusan buuxin karin sharuudaha lagu siin lahaa lacaga mucaawinaad loogu tala galay in lagu xoojiyo maamulada dalka ka jiro waxay ka xayireen lacagtii la siin lahaa. Qodobada ay aduunka ku qabsadeen waxaa ka mid ah.
1- Inuu ku guul dareeysatay Hab dhismeedkii dowaldnimo( Instituion Bailding)
2- Maareynta lacagaha ( Financial management)
3- Garsoorka ( Judiciary)
4- Amaanka ( Security )
Markeey arkeen arimahaan iyo tirada badan ee Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada oo aan shaqo qaban, waxay ka jareen lacagihii la siin lahaa, taas oo si dadban u taabaneeyso hurumarka dadka iyo degaanka. Mushkilada kale waxaa weeye markii laga jaray lacagahaas waxaa uu maamulkii badiyay Isbaarooyinka si uu u helo dhaqaale. Hadaba maxaa u dan ah dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya?
Waxaan aaminsanahy in la gaaray waqtigii ay umadaan ka kici lahayd fadhigaan oo ay dalban lahaayeen isbadal lagu sameeyo maamulka hada jira si loo saxo ama laga qaado haduu badali waayo jidka uu ku socdo, tasoo dhib wayn u keeni karta umadaan Soomaaliyeed ee dhibaateeysan iyo jiilka soo socda.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
W/Q: Aqoonyana Sheiknor Abucar Qassim
Xigasho: https://www.facebook.com/sheiknor
Daabacaadii Puntlandes.com