MAQAAL: Wax ka ogow ‪Cudurka‬ ama Xanuunka loo yaqaan ‪Hepatitis‬ Ama ‪Cagaarshaw‬ WQ Mr. Mohamed Mohamoud Hiirad

Hay’adda u qaybsanaha Caafimadka Aduunka oo Marka magacedda la soo gaabiyo loo yaqaan ‪#‎WHO waxay muhiim u aragtay in ‪#‎Cagaarshawgu uu ka mid noqdo kaliya afarta cudur ee laga xussso aduunka waxayna u astaysay Maanta oo kale ay tariikhdu tahay 28/July

229-3b1
Fadlan walal wax ka ogow ‪#‎cudurka ama Xanuunka loo yaqaan ‪#‎Hepatitis Ama ‪#‎Cagaarshaw

*Haddaba waa Maxay ‪#‎Cagaarshow
Waa xanuun asiiba Beerka kadib marka uu qofka dheefshidkiisu oo shiido tiro wasakh ah kaas oo ka dhalatay Cunto ama Biyo wasakhaysan oo uu qofkaas qaatay… ka dib waxay sababi beerka qofka uu jeermiskii u gudbi taas oo dhaxal siisa ‪#‎BeerXanuun

*Qaybaha uu u kala baxo Hepatitis ama Cagaarshawgu…

Sida la ogsoonyhy hepatitis waxaa uu kala baxaa Shan 5 nooc kuwaas oo kala ah Hepatitis A,B,C,D iyo E lkn waxaa Badana Dadka ku dhacca labada Nooc ee loo yaqaan Hepatitis B iyo C…

*Maxaa Sababa cagaarshaw ( Causes of Hepatitis )

  1. In uu qofku diyaarsho ama sameeyo cuntada isaga oo aan si fiican u farxallan ama Faraha u dhaqan sida Isticmaalka musqusha ka dib iyo Cunida cuntada ka hor
  2. In uu Cuntada sameeyo qof horey u qabay Cagaarshow taas oo sababi karta in uu cuntada uu jeermiskii ku daarto
  3. Iyo in uu qofku la yeesho galmo qof kale oo qaba cahaarshow..

*Calaamadaha lagu garto qof qaba cudurka Cagaarshow ( Signs and Symptoms )

  • Daal Faro badan gaar ahaa si inaa maskaxda ka daashay (fatigue)
  • Appetite ama umateedka oo kaa xirma ( Loss of appetite)
  • Daaco qurun ama markasta aad dareentid inaa dacayso waliba mid aadan jaclaysan          ( Nausea)
  • Iyo Hunqaaco joogto ah (Vomiting)

*Hadaba Maxaa daawo u ah (Diagnosis)

Inaad is baartid laguna ‪ ‎tallaalo weeye xalka Hepatitis ama Xanuunka Cagaarshawga….

Hadaba Hal ku dhigga sandakaan 2016 waa
” Iska baar cagaarshaw ‪hadda Iskana daaweeh Hadda”
Fiiro Gaar ah: Inaan gubno oo dab u isticmaalno cagaarshaw waa hab dhaqmeed aan sax ahyn waana feker khaldan..

‪Xigasho  World Health Organization (WHO)

‪‎CDC Center for Disease Prevention and Control , USA

229-3a6

Mr. Mohamed Mohamoud Hiirad: BCS, BSPH, MPH

MPH, Bugema University Kampala Uganda

E: hiirad100@gmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author