Dhagayso-Faallo: Sida ay Cadaalada u taqaan oo ay DFS u qaybisay Gargaarkii uu Turkiga ugu Deeqay Somalia
28 July 2016 (Puntlandes) DFS ayaa sheegtay inay qaybisay Deeq Raashin ah oo ahayd 11000 Tan oo ay Dawlada Turkigu ugu deeqday ummadda Soomaaliyeed.
DFS ayaa ku dooday inay si isku mid ah ugu qaybisay Deeqdaas ka dhaxaysay ummadda Soomaaliyeed Dawlad Goboleedyada iyo Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Shir Jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen Guddi loo xilsaaray qeybinta Raashinkaa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaey cadaalad ku sheegeen inay u qabiyeen sidatan:
- Gobolka Banaadir: 1500 Tan
- Gobolka Banaadir: 3000 Tan
- Galmudug; 1200 Tan
- Koongur Galbeed: 1200 Tan
- Jubaland: 1200 Tan
- Puntland: 1700 Tan
- Gobolka Hiiraan: 600 Tan
- Shabeelaha Dhexe: 600 Tan
Isugaynta Deeqda la qabiyey 11000 Tan, iyadoo ah intii uu Turkigu ku Deeqay ummadda Soomaaliyeed.
Su’aasha iswaydiinta mudan oo ay tahay inay DFS u cadayso ummadda Soomaaliyeed waa, Sidee Gobolka Banaadir ku helay 4500 Tan meesha ay Puntland o oka kooban 5 Gobol ay heshay 1700Tan, Galmudug oo Gobol iyo Bar ka koobana ay u heshay 1200Tan halka ay Jubaland iyo KGS o oka kooban mid 3 Gobol ay heleen 1200 Tan.
Sida ku cad Shaxda hoose Gobolka ay Deeqda ugu badan gaarsiisay DFS waa Gobolka Banaadir wuxuuna helay 4500 Tan oo u dhiganta 41% Deeqdii Raashinka ahayd ee Turkigu ugu deeqay Soomaaliya, Gobolka ku xigaana waa Galgaduud wuxuuna helay 800 Tan oo u dhiganta 7,3&% Deeqdii Raashinka ahayd ee Turkigu ugu deeqay Soomaaliya, halka Gobolka ugu yarna sidii caada u ahayd DFS uu yahay Gobolada Puntland oo uu Gobolkiiba helay 340 Tan oo u dhiganta 3% Deeqdii Raashinka ahayd ee Turkigu ugu deeqay Soomaaliya,
Tusaale Gobol iyo Barka Galmudug wuxuu Gobolkii helayaa 800Tan waana meesha lagu xijiyey Gobaolka Banaadir halak uu Gobolka Bari helayo 340 TanCAJIIB.
State/Gobol | Raashin (Tan) | Inta Gobol | Gobolkiiba | Boloqkiiba% |
Banaadir | 4500 | 1 | 4500 | 40,91% |
Galmudug | 1200 | 1,5 | 800 | 7,27% |
Hiiraan | 600 | 1 | 600 | 5,45% |
Shabeelaha Dhexe | 600 | 1 | 600 | 5,45% |
KGS | 1200 | 3 | 400 | 3,64% |
Jubaland | 1200 | 3 | 400 | 3,64% |
Puntland | 1700 | 5 | 340 | 3,09% |
Isugayan | 11000 | 69,45% |
Dhagayso Warbixin ay VOA ka diyaarisay
Puntlandes.com