Sawirro: Ganacsato kasoo Jeeda Beelaha Mudulood oo Taageertay Musharaxnimada Xasan Sheekh

29 July 2016 (Puntlandes) Kulan ay soo abaabuleen qaar Ganacsatada Beelaha Muduloodayna ka soo qayb galeenqaar ka mid ah Waxgaradka, Duubabka, Shaqaale DFS, Dhaqanka ee Beelaha Mudulood iyo Haween oo lagu taageerayey Musharaxnimada Xasan Sheekh ee inuu mar kale qabto Kursiga madaxtinimada Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo inay sanadkan dhacdo ayaa waxa uu ka dhacay magaalad Muqdisho.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Ganacsatadiu u balanqaadeen inay  Madaxweynaha DFS ku taageeraan Dhaqaale lixaad leh oo sahlaya inuu mar kale dib u hanto Kursiga madaxtinimada.

Waxaa Kulanka ka soo qeyb galay Raisul wasarihii hore ee DKMG Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xildhibaan Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud “Dufle” Siyaasiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka iyo Hoggaamiye Dhaqameedyo maamus ku dhex leh Beelaha Mudulood.
Dagaal Ooge Muuse Suudi Yalaxow ayaa Cod dheer ku sheegay inuu taageero u raadin doono kana shaqayn doono sidii uu mar kale Xasan Sheekh u noqon lahaa madaxweynah Soomaaliya ayna raali ka yihiin sidaas Beelaha Mudulood.

Imaamka Beelaha Mudulood Iimaam Maxamed Yuusuf oo Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay taageero buuxda u hayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana u rajeynayaan in mar labaad loo soo dooran ddoono Hoggaaminta Qaranka.

Lacag aad u farabadan ayey Ganacsada uu intii uu xilka madaxweyninimo hayey Xasan Sheekh uu ku naas nuujiyey, iyagaa ka sameeyey DFS lacag aad u faro badan waxaana iminka la joogaa xiligii ay wax uun dib ugu celin lahaayeen Xasan Sheekh.

Sawirro
229-2b1

229-2b2

229-2b2a

229-2b3

229-2b4

229-3a8

229-3a9
Puntlandes.com

About The Author