Sawiro :Wasiirada Haweenka Puntland oo Baargaal gaartay

30 July 2016 (Puntlandes) wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa C/qaadir
xaaji muumin iyo wafdi ay hogaaminayso oo ay kamid ahaayeen
wasiirkii hore ee fedraalka iyo arimaha gudaha dawlada Soomaaliya
C/raxmaan maxamed Bangax iyo aqoonyahan macalin jaamac ayaa galabta
casar gaabadkii soo gaaray Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu
halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga wasiir anisa oo booqoshadii labaad ku maraysa Deegaanada
Gobolka Gardafuu ayaa waxaa halkaaas si wayn ugu soo dhaweeyay
masuuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu horkacayay
Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf, masuuliyiin ka
socotay gobolka Gardafuu , haween isugu jira hooyooyin iyo dhalinyaro
iyo caruur badan oo uga hortagay wasiirada iyo wafdigeeda meel ka
baxsan magaalada ayagoo ruxaya Caleemo qoyan

wafdiga ay hogaaminayso wasiir Anisa oo ka soo kicitimay Magaalada
Garowe ee caasimada Puntland ayaa soo dhawayn iyo marxabayn la qaatay
haweenkii iyo caruurtii halkaasi ku soo dhaweeyay iyadoo wasiiradu mid
mid u gacan qaaday dhamaan dadkii safka u galay soo dhawaynta wafdiga
wasiirada.

wasiir anisa iyo wafdigeeda ayaa intay magaalada Baargaal soo gaarin
waxay soo mareen magaalada Taageer halkaasi oo ay wafdigu shirar iyo
iswaraysi kula yeesheen hooyooyionka iyo ururdada deegaanka oo ay
wasaarada haweenku u kuurgalaysay.

intaasi kadib waxay wasiir anisa iyo wafdigeedu shir ku qabteen
magaalada waadi khayr halkaasi oo ay wasiiradu ugu khadbaysay
bulshadii halkaasi ku soo dhawaysay ayadoo kala hadashay ujeedooyinka
safarkooda

wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska puntland iyo wafdigeeda oo
kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada baargaal ayaa
intaas kadib u gudbi doona magaalada Madaxda Gobolka Gardafuu ee
Caluula halkaas oo ay wasiiradu uga qaybgli doonto manaasabad
ballaaran oo lagu 1 august oo lagu xusaayo sanad Guurada 18-aad ee ka
soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen
sidii maamul u dhisan lahaayeen miraheediina ay guranayaan Maanta.

229-4b2

229-4b11

229-4b10

229-4b9

229-4b8

229-4b7

229-4b6

229-4b5

229-4b4

229-4b3
Puntlandes.com

About The Author