Maareeye “Guddiga Doorashooyinka ayaa keenaya qorshaha ugu danbeeya ee Doorashooyinka” (Kororsi)
30 July 2016 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdixayir Maareeye oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliya (SONNA) ayaa wuxuu ka hadlay shir la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho horaanka bisha soo socota.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid ay isugu imaanayaan Madasha Wadatashiga Heer Qaran, sidoo kalana ay ka soo qaybgalayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
“Shirkaan wuxuu dhacayaa 2-da ilaa 4-ta bisha August, waana shir muhiim ah, waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegaya qorsha ugu danbeeya ee Doorashooyinka.” ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta
Maxamed Cabdi Xayir ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dowladda ay ku adkaysanayaan in doorashada ay xiligeeda dhacayso taasna aanan wax wal wal ah laga qabin.
Maareeye ayaa sheegay ugu danbayntii shirkaan oo ka dhici doona magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya inay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ka turjumaya rajjada shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa caddeeyey inay Guddigu soo wadaan Waqti kordhin maadaama aysan suurto gal ahayn in Doorashada ay xiligeedii qabato DFS taasoo ayayd in Xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya ay shaqo bilaabaan 20 Aug 2016 Doorashada madaxweynaha DFS ay dhacdo 10 Sep 2016. Hadalka Maareeye ee maanta ayaa ah u gacan haadin muddo kororsi ay samaynayso dawlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh oo u gacan banaanaaday Masiirkii ummadda Soomaaliyeed oo aysan jirin cid waxa uu wato waxaan ahayn keenaysa!!!
Puntlandes.com