Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Baydhabo kaga dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed uu dahacyo 14 bishan

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta magaalada Baydhabo kulan kula qaatay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa kaga dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo todobaadka soo socda u furmi doona shacabka Koonfur Galbeed.

Kulanka maanta Baydhabo ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Baay, waxaana ugu horeyn hadal ka jeediyey Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole oo ku booriyey shacabka reer Baydhabo inay mar walba u duubnaadaan garab istaaga iyo taageerrada Dowladnimadooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo si rasmi ah loogu furi doono shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed maalinnimada Axada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14-September-2014 u jeedada shirkaasi loo qabanayana ay tahay in marka hore ay dadku is cafiyaan, isla markaana la isku calool fiyoobaado, iyadoo markaasi kadibna ay bulsho heshiis ahi aayaheeda ka tashan karto, maamulna sameysan karto.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kula dardaarmay shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed inay adkeystaan wadajirka iyo isku duubnidooda isamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada guud iyo dowladnimada umadda Soomaaliyeed.

Daawo sawirada
168

169

170

171

172

173

Xigasho Howhar.com

Puntlandes.com

About The Author