Dhagayso: Xasan Culusoow ”Gudiga xadaynta soohdimaha dowladaha Federaalka Xubnaha ka ah ayaa intay dadka waraystaan Xadadka jeexidoona, anaga shaqadayadu waa in aanu la soo sinaa Puntland dowladaha kale..”

130

Waxaa dad badan oo aqoonyahano ah kuna xeeldheer arimaha Mooryaamaysan ee Xamar ka socda ee dadka qaarkii u yaqaaniin siyaasada ay la yaabeen sida aan gabashada lahayn ee uu madaxweynaha Villa Xamar Xasan Culusoow ugu dhiirano boobka iyo bur burinta Puntland isagoo aadba moodo in uu isa siiyey in uu isagu ka taliyo Puntland hadana la gaaray xiliguu burburin lahaa.

Xalay 11 ka sebtember ayuu ka sheegay Villa Xamar in uu rabo ama ka shaqaynayo in uuPuntland  la soo simo dowladaha  mustaqbalka xubnaha ka noqonaya federaalka. Xasan ma sharxin sida uu ula soo simidoono Puntland dowlado aanba wali dhismin. Taas oo dad badan u soo baxday sababtii loo cunaqabataynayey Puntland in ay ahayd in ay hakiyaan horumarkeeda si ay ula soo simaan degaanada Xasan Culusoow.

Xasan ayaa yiri ” Gudiga Federaalka iyo Xadayna xuduudaha ayey shaqadoodu tahay intay dadka waraystaan waydiiyaana meesha ay raacayaan markaasna xadka goynayaan”  Xasan wuxuu u muuqday nin og in aysan jirin madax Puntland ah oo la xisaabtami karta wuuna is hubay sida isku halaynta leh ee uu u hadalay.

Xasan culusoow ayaa ugu dambayn sheegay in ay dhawaan wafti sare, oo uusan sheegin cida hogaamin doonta, tegayaan Puntland wax weyna aysan ahayn waxa ay ka diday Puntland lana dhamaydoono.

Waxaan sheki ku jirin in uu Xasan Culusoow madaxa Villa Xamar uu isa siiyey damaciisa waalida ah ee uu rabo isaga iyo kooxdiisa ay hormuudka u yihiin Axmed Diiriye, Oday xaad, Gen Idhocade ay ku boobaan Gobolka Mudug ee Puntland.

Maanta oo ah 12 ka semtember waxaa Tv ga Universal baahiyey in ay odoyaasha, culimaa’udiinka, dhalinyarada iyo Ganacsatada Gobolka Shabeelaha Dhexe ay u wakiisheen Gudoomiyaha Gobolka in uu wakiil uga noqda maamulka dhawaan la dhisidoono o oka koobnaandoona Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Isagoo Gudoomiyahu sheegay in ay labadan gobol ay yihiin kuwa kaliya oo aan Dowlad Gobol lahayn. Iyadoo ay meeshaas ka soo baxayso in reer Culusoow ku xisaantameen in ay helaan laba dowladood Mudug/Galgaduud iyo hiiraan/Shabeelaha Dhexe iyo caasimadii hore oo meel cidlo ah u taal.

Reer Puntland wax la dhaco ka wayn, Mudugna wax lala cararo ama la bililiqaysto ka wayn taa waa in ay ogaadaan Xasan Culusoow iyo kooxdiisa.

Xukuumada Puntland ee Gaas hogaamiyo waxaa looga fadhiyaa riwaayada Xasan in aysan dhagaysan ee uu ama Beesha Caalamkana u sheego warqadna qoro in aysan Gobolka Mudug ee Puntland ku jiran waxa uu walaaqanayo ama uusan noo imaan cid kalena noo soo dirin. Ha ogaadaan Bahda Gaas in isha lagu hayo.

Halkan ka dhagayso Xasan Culusoow

Puntlandes.com

About The Author