Dhagayso: Maamulka cusub ee Galkacyo oo bilaabay ka shaqaynta Bilicda Gaaalacyo

1 Aug 2016 (Puntlandes) Maamulka cusub ee Degmada Gaalkacyo ayaa bilaabay qorshayaal ay bilicda magaalad kor ugu qaadayaan, iyagoo Ganacso banana wax ku gaday jiray ay u rareen Goobo gganacsi oo ay u diyaariyeen.

228-2c1

Qaar ka mida dadkii ay maamulka Degmadu u rareen goobta ay ku Ganacsanayaan ee cusub ayaa iyagoo Radio daljir la hadlaya waxay cabasho ka muujiyeen arinkaas.

Duqa Cusub magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Tumey oo isna dhankiisa la hadlay Radio daljir ayaa waxa uu yiri “dadkaani waxay degenaaayeen Laamiga iyo Xerada dhexdeeda bilicdeedii aad ugu ciyaaray, waana meel waxay ahayd Sharci daro oo aan loogu talo gelin inay degaan iyaguna way ogaayeen taas, dawladuna way ogayd dadka magaaladana way ogaayeen. Saakay waxaan go’aansanay inaan dadkaan meesha ka rarno.”

Tumey ayaa sheegay inay dadkaas ay u rareen meel aad uga fiican Qoraxdii iyo Boorkii ay ku Ganacsan jireen wuxuuna yiri “.. dadkaan lama Barakin meel sax ah ayaana la dejinayaa qof Boos loo waayayaana ma jiro..”

Tallaabadaasi uu qaaday maamulka cusub ayaa ah tii ugu horaysay oo ay qaadeen intii loo doortay maamulka magaalada Gaalkacyo waana mid aad loo soo dhaweeyey inay ka bilaabeen ka shaqaynta Bilicda magaalada Gaalkacyo.

Dhagayso warbixin uu Radio daljir ka diyaariyey uuna ku waraystay Duqa Galkacyo


Puntlandes.com

About The Author