Shirka Hoggaamiyeyaasha Qaran oo Muqdisho ka furmaya
2 Aug 2016 (Puntlandes) Waxaa la filayaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaranka, kaasoo ay ku go’aaminayaan waqtiga ay dhacayso Doorashadii la fiyey inay ka dhacdo Soomaaliya oo aysan muuqan inay dhacayso waqtigeedii.
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaranka ayaa waxaa la filayaa inay ku xalaaleeyaan Waqti kororsi loo sameeyo madaxweyne Musharax Xasan Sheekh, kaasoo hortaagnaa mudooyinkii u dambeeyey inay Doorashadu waqtigeeda qabsoonto si waqti loogu daro.
Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaranka ayaa ku taariikheysan 2-4 bisha Agosto laakiin ilaa iminka ma soo wada gaarin Madxda Hoggaamiyeyaasha Qaranka magaalada Muqdisho oo uu shirku ka dhici lahaa, waxaana laga yaabaa in maanta dib u dhaco furitaankiisa.
Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal oo uu gudoomiye u yahay Avv. Cumar Dhagey oo ka socda xafiiska musharax Xasan Sheekh ayaa guud haan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan musharixiinta kale ee u tartamaysa Xilka madaxtinimada waxay ka muujiyeen shaki aad u wayn oo la xiriirta dhexdhexaadnimada Guddiga.
Si kastaba ha ahaatee si loo helo Doorasha laga wada qayb qaato oo lagu kalsoonaan karo waxaa lagama maarmaan ah in laga saaro Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh, kuwaas oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Guddiga Abuukate Cumar Dhagey oo uu Xasan Sheekh keensaday.
Puntlandes.com