Talo Ku Socota Madaxweynaha Puntland Iyo Dowladiisa, Kuna Aadan Dowlada Somalia Iyo Kulanka la filayo inuu Qabsoomo

130

Arrar
Xurmadle Madaxweyne Abdiwali Gaas, Waxaan ogahay inaad Puntland Jecshahay, Waxaan Ogahay inaad Ummada Puntland Wanaag la rabto. Waxaan og nahay inaad Niyad-Wanaagsan tahay.

Mudane Madaxweyne waxaan Qormadan Kooban ku eegayaa Tabashada Iyo Xuquuqda ka maqan Reer Puntland. Mudane Madaxweyne Shacabka Puntland waxa ey kamid yihiin Dowlada Somalia, Waxa ey had Iyo goor u taagan yihiin Midnimada Somalia, waxa ey kharash Iyo Aqoon ku baxsheen Garowe1 Garowe2 Gaalkacyo Accord. Hadaba Iyadoo sidaas ey tahay Isla-markaana muuqato Shacabka Puntland Niyad-Wanaagooda Iyo Soomaali-Jeceylkooda waxa ey Abaal u heleen?? Waa mare Dowlada Somalia ee Federalka ah Xuquuqdii aan ku laheyn maka helney?? Bal aan Tusaalayaal soo qaato, Deeqaha Waxbarashada waxaan ka helnaa 3% Deeqaha Mashaariicda waxaan ka helnaa 0% Tababarada Ciidamada Milatariga Iyo Police waxaan ka helnaa 0% Tababarada Dibulomaasiyiinta waxaan ka helnaa 0% Xilalka Golaha Dowlada waxaan ka helnaa 5% Xilalka Safiirada Qunsulada Xoghayaayasha Joogtada waxaan ka helna 2% Hadaba Iyadoo intaas aan ogeyn oo aan muddo u qeylin jirney war Xuquuqda Shacabka Puntland hala siiyo oo aan Xaq doon aheyn ayaa dhanka Kooxda Madaxweyne Hassan Culusow uusan ka garaabin. Waxaan sidoo kale Madaxweyne Abdiwali ku xasuusinayaa Talaabooyinkii u danbeeyay uu Madaxweyne Hassan Culusow qaadey, Sida Dastuurkii lagu hishiiyay oo uu badaley, Guddi Sharci-daro ah oo khilaafaya Dastuurka Qodobkiisa 71 ayuu ku dhawaaqey, Waxa uu hor istaagey Shidaalkii Puntland laga soo saari lahaa oo Puntland ey marar kala duwan ka hadashey. Hadaba Madaxweyne Shacabka Puntland waxa ey marayaan Quustii Siyaasadeed ee u danbeysay mana muuqato Hogaan ka garaabi kara Tabashooyinka Shacabka Puntland ee Xalaasha ah. Iyadoo Xaajadu halkaa taagan tahay waxaan maqley in Madaxweyne Hassan Culusow yiri, Wafdi ayaan Puntland u dirayaa, Ma sheegin Xiliga Iyo Wafdiga?? Sidoo kale ma sheegin in Beesha Caalamku og tahay Qorshihiisa Iyo Sida Xaaladu tahay, Docda Puntland waxaad Codsateen in Beesha Caalamku goobjoog ahaato??

Hadaba Maxaa Xal ah??

Madaxweyne Abdiwali, Waxaa kula gudboon Arrimaha soo socda??

Waa in Dowladaadu diyaarisaa Qorshe kama dambeys ah.
Waa in aad soo Bandhigtaan Xuquuqda ka maqan Puntland.
Waa inaad Beesha Caalamka Markhaati-galisaan.
Waa inaad Ummada Puntland wax u Cuntama Miiska keentaa
Waa in Dowladaadu u muuqataa mid Turubka Siyaasada Ciyaarta.
Waa in aad Tashi la sameysaa Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Puntland
Waa inaad Mowqif Cad Iyo Siyaasad Cad Masraxa soo saarto.
Waa inaad noqto Mendeelihii Somalia.

Fiiro-gaar ah. Madaxweyne Abdiwali Gaasow, Hadii Kubbada Maanta nalooga Adkaado waxa ey ka dhigan tahay, Brazil oo 2014 Gurigeeda lagu reebey oo ey Germany Taariikh Cusub ku qortey Diiwaanka FIFA

Sakariye Isticmaar

sakariye85@hotmail.com

About The Author