Sawirro: 17 Askata AMISOM ka tirsan Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay
2 Aug 2016 (Puntlandes) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Ugandha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay edeeymo loo heesto 17 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Askartaasi ayaa loo heystaa in eedeymo la xiriira in ay si sharci dorro ah u iibaneyeen Sahnadda ciidanka kuwaas oo iyagoo fal dambiyeedkaasi ku dhex jira ay qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay iyadoo sidoo kalana su’aalo la weydiiyay marqaatiyaal maxkamadda la horkeenay.
Brig Dick Olum Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha oo ku dhawaaqay Xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.
Maxkamadeynta Ciidamada ayaa sii socon doonto, iyadoo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Ugandha uu ballanqaaday in Cadaaladda la marsiin doono Askarigii ku xadgudba qawaaniinta ciidanka, dhamaana dib loogu celin doono dalka Ugandha.
Puntlandes.com