Daawo Video: Gudoomiyaha Baarlamanka Xasan Culusoow iyo Nacaybka uu u hayo Shacabka Puntland

Baydhabo (Pes)  Gudoomiyaha Baarlamanka DFS ta Xasan Culusoow Prof. Jawaari ayaa isagoo la hadlaya beshiisa muujiyey Nacaybka iyo Cadaawada uu u hayo Shacabka wanaaga Somali iyo nabada jecel ee Puntland wuxuuna yiri isagoo adeegsanaya may-may  “Dadkiinii meel kasta ayaa lagu dhibataynayaa hurdada ka kaca oo wax noqda, hada telefan baa iga soo dhacay Puntland oo waxaa la ii sheegay in dadkeeni  ganacsatada ahaa la xir xiray oo shabaqle lagu guray intii kalena ay Gal-mudug u galeen”  waa si waday oo su’aal waydiiyey dakii uu la hadlayey  “ Yaa ka mas-uul ah dhibtaas ayuu waydiiyey”?

178

Tani ma aha wax ku cusub reer Puntland oo waa ogaadeen wax kasta oo wanaag ah oo ay u sameeyaan qolyaha Xamar ku habsaday iyo reer Baydhabood abaalkoodu waa xumaan in loogu abaalgudo.

Dowlada Puntland ee Dr Gaas hogaamiyo ayaa looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso gefkaas aan la aqbali karin oo ka soo yeeray Jawaari. Si gooni ahna waa in uu isna Gudoomiyaha Barrlamaanka Puntland uu jawaab waafi ah ka bixiyaa gefkan baaxada wayn ee Jawaari u gaystay Shacabka Puntland.

Madaxda DFS ta Xasan Culusoow waxa ugu yar oo laga sugaahi waa tank a soo yeertay Jawaari. Ninkii wax kale ka sugayoow adaa cidka roob ku og!

 

halkan ka doowo Videoga Jawaari

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author