Garoonkii Galkacyo oo diyaadaha Muqdisho aysan tagin!!

3 Aug 2016 (Puntlandes) Garoonkii Galkacyo ee Abdulaahi Yusuf Airprt ayaa Diyaadahii Muqdisho ka imaan jiray ay joojiyeen inay tagaan, iyagoo bedelkeeda ka dega Garoonka Macmalka ah ee ku yaala Xaafada Baraxley.

197-2

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay sabab u tahay kadib markii dawlada Dr Cabdiwali Hogaamiyo ay Diyaaradaha kusoo rogtay Canshuur Xad dhaaf ah.

Diyaadahii kasoo degi jiray Garoonkii Galkacyo ee Abdulaahi Yusuf Airprt ee Rabaabka ayaa u weecday dhanka Baraxley garoonkeeda, iyadoo Rakaabka ugu badan ee ay Diyaaradahaasi ay haystaan ay yihiin reer Puntland ku qasbanaaday inay ka dhoofaan halkaasi.

Diyaadaha ayaa qaarna shaqada joojiyeen qaarna u weecdeen dhanka Baraxleey canshuurta ay Puntland siyaadisay daraadeed.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madax reer Puntland ah oo ilaa heer Agaasimayaal ah ay ka dhoofaan Garoonka macmalka ah ee Baraxleex.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in shacabka Gobolka Mudug ee Puntland ay u arkaan Garoonka Abdulaahi Yusuf Airprt ee Gaalkacyo Garoon ay nin iyo Koox uu ka tirsan yahay leeyihiin ee uusan ahayn Garoon ay Shacabka Gobolku wada leeyihiin oo ay tahay inay wada ilaashadaan.

Agaasiha Garoomka mr Dhagaweyne wuxuu Agaasime ka ahaa Garoonka laga soo bilaabo 1991 dii oo uu AUN Cabdulaahi Yuusuf u magaabay Agaasimaha Garoonka Gaalkacyo, isagoo ku magacawnaa Agaasime 26 sano.

Taasi maanta waxay sababtay inaysan ka damqan shacabka Gobolka Mudug daruufaha Qalafsan ee lasoo darsay Garoonka.

Waa ayaan daro aad u wayn oo kusoo korortay Gobolka Mudug, in uu maamulkiisii xiro Garoonki caalamiga ahaa ee ay isticmaali jireen dadka Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

 

About The Author