Sawirro: Wasiirada Haweenka Puntland iyo Wafdi ay hogaaminayso oo lagu soo dhaweeyay Degmada Bareeda

3 Aug 2016 (Puntlandes) Wasiirada haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland Anisa C/qaadir
xaaji muumin oo wali wada safaradii ay ku kormeeraysay Degaanada
Gobolka Gardafuu ayaa waxaa si farxad iyo rayn rayn ku jirto loogu soo
dhaweeyay deegaanka xoogaad oo hoostaga dagmada bareeda ee gobolka
gardafuu

wasiirada iyo wafdigeeda oo shalay gaaray Deegaanka Xoogaad ayaa
waxaa halkaaas siwayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta deegaanka,
odaayasha dhaqanka , haweenka deegaanka iyo Dadwayne aad u farabadan
oo wasiirada iyo wafdigeeda ku soo dhaweeyay khayraadka deegaanka sida
mooska babaayga , maydiga , beyada iyo timirta

odayaasha iyo waxgaradkii ka hadlay munaasabada soo dhawaynta ayaa
sheegay inay si kal iyo laab ah ugu soo dhawaynaayaan wafdiga
wasiirada Guud ahaan Gobolka Gardafuu gaar ahaana degmada Bareeda iyo
Deegaanka xoogaad

wasiir Anisa C/qaadir xaaji muumin oo ka hadashay munaasibada soo
dhawaynta ah oo loogu qabtay beerta xoogaad ayaa marka hore aad ugu
mahadcelisay bulshada ku dhaqan xoogaad sida quruxda badan ay ugu oo
dhaweeyeen xoogaad ayadoo kala hadashay baahiyaha horumarineed ee uu
dagaanku u baahanyahay sida waxbarashada, caafimaadka , iyo adeegyada
bulshada ee kale.

wasiir anisa ayaa ugu danbaytii waxay booqatay iskoolka xoogaad oo u
baahan dayactir ayadoo ballan qaaday lacag dhan 1000 dollar oo ay
kaga qaybqaadanayso dayactirka iskoolka

intaasi kadib waxaa wasiir anisa iyo wafdigeeda si diiran loogo soo
dhaweeyay deegaanada tuulo barwaaqo oo horay loogu yaqaanay idajabis
,tooxin , sayn yar , ceel laas , buuro xamur iyo magaala madaxda
degmada ee bareeda oo caawa wafdiga wasiiradu ku suganyahay
229-6b2

229-6b3

229-6b4

229-6b5

229-6b6

229-6b7

229-6b8
Puntlandes.com

About The Author