Sawirro: Tababar Lagu Baranayey u Adkaysiga Aafooyinka ayaa Lagu Soo Gabagabeeyey Magaaladda Muqdisho

3 Aug 2016 (Puntlandes) Tababar uu soo qaban qaabiyey La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Aafooyinka Eng. Cabdi Maxamed Axmed “Baafo” ayaa lagu soo gabab gabeeyey magaalada Muqdisho, tababarka ayaa waxaa isugu yimid wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda, Macalimiin Jaamacadeed iyo khubaro ka socotay Hay’ada Cunada iyo Beeraha “FOA”

Lataliyaha R/wasaaraha Soomaaliya ee arimaha u adkeysiga Aafooyinka Cabdi Maxmed Baafo ayaa sheegay in tababarkaan ku salaysan yahay sidii loo baran lahaa u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah, islamarkaana wuxuu tilmaay in dhulka miyiiga ah la tagi doono si qiimayn loogu soo sameeyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo daadadka wabiyada.

“Afooyinka dabiiciga ah badanaa waxay taabtaan dadka reer miyiga ah iyo beeralayda, waxaana halkaan fadhiya wasaaradihii qaablisanaa arimahaas. Waxaa tababarkaan socday in mudo ah,, waxaana halkaan lagu qaatay aqoon dhaxal gal ah, oo waxa weyn ka tari doonta sdii loogu adkaysan lahaa hadii ay dhacaan masiibooyin dabiici ah. Aqoontaan waxaa dib loogu celinayaa deeganada miyiga iyo beeraha, islamarkaana loo qaybsan lahaa dadka baahiyahooda kala duwan, sidaad ogtihiin markasta waxaa dhaca fatahaadyo iyo abaaro soo noq noqda, hadii aan dadka la barin sidii looga gashaaman lahaa waxaa suurta gal ah in ay dhacaan afooyinkii dhacay 2011 oo galaaftay nolosha 260,000 oo qof” ayuu yiri Baafo

Fulinta Tababarkaan waxaa iska kaashanayey Xafiiska R/Wasaraha Soomaaliya iyo  Hey,adda Cunada iyo Beeraha ee FAO, Waxaa sidoo kale bixiyey kharashka ku baxay tababarkaan midowga yurub oo soo marsiiyey Hay’ada Cunada iyo Beeraha ee FOA. iyadoo masuuliyiintii ka socotay FAO ay ku sheegeen mashruucaan inuu Soomaaliya faa,iido u leeyahay, lana qaban doono tababaro noocaan ah waqtiyada soo socda.

229-7a1

229-6c

229-6c1

229-6c2

229-6c3

229-6c4
Puntlandes.com

About The Author