Madaxda Madasha oo ku gacansaysay Qorshihii uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo dhiibay Guddiga Doorashada!!

3 Aug 2016 (Puntlandes) Saaka  waxaa Villa Somalia ka furmay Shirkii Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranka ay ku go’aamin lahaayeen Qodobada ka dhiman inay Doorashadu qabsoonto.

229-5c2

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in markii uu furmay Shirka la dhageystay Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan (FIEIT) si looga dhagaysto Qorshahooda Doorashada, maalinta ay dhacayso iyo Qorshahooda guud ee la xiriira Doorashada Soomaaliya.

Waxaa nasiib daro noqotay in meeshii laga sugayey Qorshe cad ay Guddiga FIEIT soo bandhigeen wax aan Qorshe CAD la oran karin ee uu soo dhoodhoobay Xafiiska madaxweynaha DFS Xasan Sheekh, iyadoo ay Madaxda Hogaamiyayaashu Gaashanka u daruureen, oo si cad u diideen Riwaayadii laga soo sameeyey Xafiiska madaxdweyne Xasan Sheekh.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxda Hogaamiyayaashu ay ku celiyeen wixii aan Qorshaha la oran kairn  waxayna ku yiraahdeen Guddiga FIEIT ”waxaan annaga idiinma dirsan ee wax qeexan oo maalinka ay Doorashadu dhaceyso uu yahay mid cad oo la og yahay noo keena”

Madaxda ayaa ku amray Guddiga FIEIT inaysan doonayn wax aan la hubin wax aan ka ahayn.

Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan (FIEIT ayaa waxay maanta shirkii madaxda kala kulmeen waji gabax iyo foolxumo, kadib markii lagu lagu qoslay markii aysoo bandhigeen Riwaayaddii looga soo dhoodhoobay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa si gaar ah u ceeboobay maanta guddoomiyaha Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan (FIEIT), Abuukate Cumar Dhagey, oo ah ahaa Shaqaale ka shaqaynayey Xafiiska Musharax Xasan Sheekh inta uusan Xilkan u magacaaban.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guddiga FIEIT laga hago waxna looga soo dhoobdhoobo xafiiska Musharax Xasan Sheekh, iyagoon ahayn Guddi dhexdhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga FIEIT waxay maanta lasoo shir tageen Qorshe Doorasho oo qabyo ah oo aysan ku cadayn maalinta ay Doorashadu dhacayso iyo waqti cayiman midna, iyagoo lasoo shir tagay siday Warbaahinta Puntlandes ogaatay Riwaayad aan la garanayn oo Tabar iyo Siminaar aan dhaafsiisnayn!!!!

Guddiga FIEIT & dhexdhexaadnimadooda?

Doorasho XOR ah oo XALAAL ah kama suurto gelayso inay ka qabsoonto Soomaaliya haddii aan laga saarin Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh, kuwaas oo uu u horeeyo Gudoomiyaha Guddiga Abuukate Cumar Dhagey oo uu Xasan Sheekh keensaday.

Si ay u helaan kalsooni ummadda Soomaaliyeed iyo musharixiinta kale ee la tartamaysa musharax Xasan Sheekh waxaa qasan ah in Guddiga Doorashooyonka dadban ee loo yaqaan FIEIT laga saaro Shaqsiyaadka ka socda Xafiiska Musharax Xasan Sheekh.

Wixii kusoo dhordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author